Xukuumadda Somaliland oo Cambaaraysay hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Soomaaliya oo La Xidhiidhay Heshiiska DP World

Hargeysa – (warsoor) – Xukuumadda Somaliland ayaa cambaaraysay hadalka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya oo kaga hadlay heshiiska Somaliland la gashay shirkadda DP World. Xafhayeenka madaxtooyadda Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay madaxtoyadda ayaa sheegay in hadalka madaxweynaha Soomaaliya uu yahay riyo iyo indho-adayga ah.

xuseen-deyr

 Jamhuuriyadda Somaliland waxay si weyn ula socotaa in Xukuumadda ka talisa Villa Somalia oo uu ugu horreeyo M/weyne Xasan Shiikh Maxamuud ay si toos ah iyo si dadbanba gacanta ugula jiraan arrimo ka dhan ah nabadda, wada jirka, horumarka, dhaqaalaha iyo siyaasadda Qaranka Somaliland. Waxaannu ognahay in ay soo abaabulaan kooxo ay ugu talo-galeen inay khal-khal geliyaan nabadda iyo deganaanshaha Somaliland, isla markaana ay carqaladeeyaan tallaabo kasta oo uu Qaranka JSL xagga wanaagsan u qaado.

Dawladda Somaliland waxay si cad u cambaaraynaysaa hadalkii Riyada iyo Indha-adayga ahaa ee ka soo yeedhay Xasan Shiikh 21/9/2016 ee uu kaga hadlay in Xukuumaddiisu aanay waxba kala socon heshiishka ay Shirkadda DP World ku maalgelinayso kuna casriyeynayso Dekedda Berebera kaasoo ay 05/9/2016 kala sexeexdeen Jam. Somaliland iyo Dawladda Midowga Imaaraadka Carabta (UAE) oo ay wakiil uga tahay Dubai.

M/weyne Xasan Shiikh waxaanu leenahay: “Jam. Somaliland oo ah Qaran ka madax bannaan dalkii la isu odhan jiray Soomaaliya, ayaa Xukuumaddiisa oo ku fadhida codka iyo kalsoonida shacabka u igmaday inay gasho oo ay sexeexdo heshiiskan Caalamiga ah. Sidaa darteed, Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera maaha mid adiga laguu daba fadhiisanayo, ama aad wax ka bedeli karto ama ay meeli uga bannaan tahay adiga iyo  Xukuumadaada toona.”

Sidoo kale, Dawladda Somaliland waxay si adag u cambaaraynaysaa hadallada xaqiiqada ka fog ee ka soo yeedhay Madaxweynaha Xukuumadda Soomaaliya ee uu ku sheegay in Dekedda Berbera ay tahay hanti ay leeyihiin waxa uu ugu yeedhay ‘Qaran Soomaaliyeed iyo Ummad Soomaaliyeed’. Hadalladani waxay markhaati cad u yihiin fara gelinta qaawan ee joogtada ah ee ay Xukuumadda ka talisa Villa Somalia ku hawso dalka, dadka iyo danaha Jamhuuriyadda Somaliland.

M/weyne Xasan Shiikh waxaanu mar kale leenahay: “Hanti uu leeyahay Qaran Soomaaliyeed ama ay Ummad Soomaaliyeed wada leeyihiin waxa ugu dambaysay Jan. 1991, burburkii Xukuumaddii dhibka laga dhaxlay. Haddii Soomaalidu xisaabtantana cidda ay hantidii Soomaali ka dhaxaysay ku maqan yihiin ee daalaca loo raacayo waa adiga. Hadalkan aad Dekedda Berbera ku sheegtay hanti Soomaaliyeedna wuxuu la mid yahay fikirkii male-awaalka ahaa ee lagu hungoobay ee SOOMAALI WEYN???!!!

Dekedda Berbera maaha hanti uu leeyahay Qaran Soomaaliyeed ama ka dhaxaysa Ummad Soomaaliyeed. Berbera waxa leh aayaheeda iyo hurumarkeedana ka talin kara Dawladda iyo Shacabka Jam. Somaliland.”

Jam. Somaliland waxay Xukuumadda Muqdisho uga digaysaa fara gelinta, sheegashada iyo dacaayadaha raqiiska ee ay isku maaweelinayaan. Waxaanu idiinka digaynaa in aydaan marnaba ku mashquulin arrimaha dalkayaga, waayo Jam. Somaliland waa Qaran ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag. Xukuumadda Muqdisho waxaanu leenahay ka kora riyada aad ku nooshihiin oo runta u soo noqda!! Ka taliya aayaha ummaddiina iyo sidii aad dadkiina iyo dalkiina Nabad iyo Degenaansho aad ugu samayn lahaydeen.

Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Somaliland:

Jam. Somaliland waa dal madax bannaan oo aan sinaba uga mid ahayn maamul goboleedyada la doonayo in lagu middeyo waxa loogu yeedho Nidaamka Federaalka. Jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland maaha wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse waa mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka ay qaateen shacbi-weynahayagu. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland.

Dhinaca kale, ummadda Somaliland waxaa matala oo kaliya, kana mas’uul ah Madaxweyne iyo Gole Baarlamaan oo aan cidi shacabkaya u doorin balse ay iyagu si xor iyo xalaal ah u doorteen. Dalka iyo dadka Somaliland ma meteli karaan shaqsiyaad danaystayaal ah oo hudheellada iyo xaafadaha Muqdisho laga soo ururiyey. Waa gef, maan-gad iyo meel ka dhac qaawan in magaca Qarankayaga loo cumaamado cid aan haysan kalsoonida iyo codka shacbi weynaha oo aanay iyagu hawl u diran.

Somaliland waa dal muddo dheer ku naaloonayey nabadgelyo, degenaansho iyo dimuqraadiyad taam ah oo ku abtirsata nidaamka soo jireenka ah ee ummaddayadu ay dhaqanka u leeyihiin kaasoo ah wada-tashi,  is qancin, isu-tunaasul iyo talo-wadaag. Shacabka iyo Dawladda Somaliland cidina uma yeedhiso sida ay doonayaan iyo waxa ay yeelayaan. Anaga ayaa leh go’aaminta halka ay ku jiraan danaha iyo maslaxadaha ummaddayadu.

Sidaa darteed, Dawladda iyo Shacabka Somaliland waxay si cad ugu sheegayaan Xukuumadda Xasan Shiikh in aanay soo fara gelin arrimaha Doorashooyinkayaga. Somaliland idiinkama baahna taageero, talo iyo tusaale midnaba: “Tiisaba Daryeelaa, tu kalena ku dara!!”

Colaado sokeeye, Cadaalad daro iyo Caqli gurracani waa arrimaha Soomaali kala irdheeyey ee dhex dhigay aafada, aramida iyo utunta. Sidaa darteed, Jamhuuriyadda Somaliland waxay u aragtaa in danta iyo maslaxadda Ummadda ku hadasha Afka-Soomaaliga ee ku dhaqan Geeska Africa ay ku jirto xasarad la’aan, is xaq dhowr iyo in lagu wada noolaado nabad, niyad sami iyo deris wanaag. Hore ayaa loo yidhi “Belo daaman la qabto ayey  leedahay ee dabo la qabto maleh’’. Dawladda Somaliland waxay ka digaysaa in dib loo huriyo colaado uu dhiig ku daato iyo dadka dhibaato la dhex-dhigo.

Guntii iyo geba-gabadii, Jam. Somaliland waxay ugu baaqaysaa Xukuumadda Muqdisho inay xil iska saaraan xal u helida dhibaatooyinka muddada rubuc qarniga ka badan hadheeyey dhulkooda. Dawladda Somaliland marnaba u dulqaadan mayso farogelinta aad ku haysaan ciidayada iyo jiritaanka Qarankayaga. Xaqa aayo-ka tashiga dadkayaga iyo Xurmada Madax bannaanida dalkayaga cidina kuma xad gudbi karto. Xuquuqda aasaasiga ah iyo Xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan, ummaddayaduna waxay mar kale diyaar u yihiin in ay nafta u huraan difaaca dhulkooda hooyo.

 ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Xuseen Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.