Xukuumadda Somaliland oo Beesha Caalamka Ugu Baaqday Inay Gurmad La Soo Gaadhaan Bulshadda Abaartu Aafaysay

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharaxaad ka bixiyey najiitada kulan Madaxtooyadda ku dhexmaray gudida qaran ee taakulayna Abaaraha.

Wasiir Xaashi ayaa yidhi  “Gudidda qaran ee taakulaynta abaarahu masuuliyadan iyo xilkan mudo dheer ayey hayeen, ilaayo xiligii Madaxweynaha Jamhruuiyadda Somaliland uu magacaabay, waa guddi ka kooban dhinacyo badan oo kala duwan oo isugu jira acyaantii iyo dadkii naqwada ahaa ee qarankani uu lahaa culimadii waaweynayd ayaa ku jirta, ganacsatadii, iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan dhinacyadaas ayey ka kooban yihiin”.

“Ujeedada iyo nuxurka loo sameeyeyna waxay ahayd in duruuftaa adag ee innagu timid aynu kala dabaalano dadkeena, iska kaashano, oo aanay noqon annagga Xukuumad ahaan hawl nagu kaliyowda, annaga oo dadaalayna oo masuuliyadii ummadda hayna, Xukuumaddu waxay adeegsataa ummadeeda, Madaxweynuhu wuxuu u arkay dadkii ugu haboonaa ee xaaladan ka saari lahaa bulshada inay yihiin culimadeeda, ganacsatadeeda iyo dadkii xilka hayey, si weyn ayaanu u soo wada shaqaynay waxaanu ka markhaati kacaynaa in dadkaasi inay ahaayeen dad akhiyaar ah, xilkas ah habeen iyo maalinba soo shaqaynayey, dano badan oo ay lahaayeen ay ku dayacamay, ILAHAY waxaanu ugu baryeynaa inuu miisaanka xasanaadkooda ugu biiryo, waxa kale oo ay arkeen duruufta iyo dhibaatada aanu qabno ragayaga xilka hayaa”.

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena intaasi ku daray ” Lix bilood ayey maanta abaartu baarka ka goy’say,waxa aynu maraynaa marxaladii ugu adkayd waxa aynu u baahan nahay gurmad, hadalkani caawa wuxuu daaran yahay laba arrimood kow waxa weeye guubaabo iyo qaylodhaan maadaama ay duruuftii abaarti ay sii adkaatay, bishii sadexaad ee sanadkana aynu ku jirno,  bulshada reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaanu ugu baaqaynaa in ay guntiga dhiisha iska dhigaan oo ay ka qayb qaataan taakulaynta dadka abaaruhu tabaaleeyeen.

Waxaanu ugu baaqaynaa bulshada caalamka iyo ururada samafalka dhamaantoodba inay gurmad bani-aadamnimo ay  la soo gaadhaan dadkaas saboolka ah ee waayuhu hayo. Waxaanu jecelnahay in aanu dhiiri galino bulshada reer Somaliland barnaamijka isku tiirsanaanta iyo is waxtarka ee ay in badan oo ka mid ahi wado, dad badan ayaa innaga dhibaataysan oo aan waxba lahayn, in badan oo innaga mid ahina maanta way ladan tahay, in aynu waxqaybsano oo wax kala goosano, oo wax isku quudhno ayaa lagama maarmaan ah”.

Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay xaalada adag ee abaarta waxaanu yidhi ” Marxalada adag ee maanta la galay ee bishii sadexaad ay kala badh tahay, waxa weeye arrinta labaad waa xog waran, waxaanu raashin ku qaybin doonaa gobollada oo dhan wiigan soo socda ilaayo Koobyo afartan kun oo qoys (41, 000) ayaanu wax u qaybin doonaa, oo qoys waliba uu deeqi doono laba qoys, taas oo u dhigan dhawr iyo sideetan kun oo qoys, oo muwaadiniin ah oo maanta dhibaataysan inay mudo bil ah ku noolaan karaan, biyihiina waanu barbar wadnaa, waxaanu guddi ahaan iyo Xukuumad ahaanba ka mahad celinaynaa dawladda iyo shacbiga Jabuuti oo kaalmo iyo raashin gaadhaya ilaayo laba iyo toban oo qoys ina soo gaadhsiisay, waxa kale oo aanu u mahad celinaynaa dawladda Itoobiya oo gurmad weyn inoo soo fidisay oo sideed kun oo qoys raashin gaadhayey ina siisay. Sidoo kale Xukuumad ahaan waxaanu bixinaynaa Hal Milyan oo doolar ($1 000 000) oo aanu ugu tallo galnay barnaamijka biyo dhaamiska, hantida Ummadda ayaanu ka bixinaynaa, waana mid qorshaysan oo miisaaniyada ku jirtay, horena sidaas oo kale wixii aanu kari karayna ayaanu ka bixinay, galad ku sheeganmayno waa masuuliyad iyo waajib na saaran.” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xaashi Cabdi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.