Xukuumadda Somaliland oo Balan-qaaday Inay mashaariic horumarinteed Ka Fulin Doonto Jaamacadda Camuud

Boorama – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa balan qaaday in Xukuumad ahaan ay wax maashaariic horumarineed ka fulin doonaan Jaamacada Camuud.

Wasiir Xaashi oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta magaalada Boorama ka qayb galay munaasibada qalinjabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ku qablin jabiyeen arday gaadhaya 682 arday oo kala diyaariyey shahaadadaha heerka koowaad iyo heerk labaad ee waxbarashada sare. Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumad ahaan xadayn doonaan dhulka jaamacaasi oo magaaladii ku fiday.

xubno_wasiiro_ah

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook isaga oo ku sugan magaalada Boorma waxaanu ugu horayn hambalyo u diray Ardaydaasi ka qalinjabisay waxaanu yidhi “ Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama kaga qayb galay munaasibada qalin jabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ka qalin jabiyeen arday aad u faro badan, dhamaantayo waxay noo tahay farxad aad u wayn, waxaanu leeyahay dhamaan ardayda ka qalin jabisay ee isugu jiray heerka Diploma-da, Degree-da iyo Master-ta, dhamaan waxaanu leenahay hambalyo.”

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay taariikhda Jaamacada Camuud waxaanu yidhi “ Jaamacada Camuud waa meel aqooni taalo, waa manbaca iyo beerta ay ka soo baxaan haldoorada iyo hogaamiyeyaasha qarankani, waa meesha uu ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waa meesha uu ka soo baxay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo rag farabadan oo caan ka ah saaxada siyaasada Somaliland.”

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Jaamacada Camuud u balan qaaday oo Wasaarada madaxtooyada ee aan madaxda ka ahay ay fulin doontaa wadooyinka Jaamacada dhexdeeda in la dhiso oo marmar qurux badan lagu sameeyo, waxa kale oo aanu gacan weyn ka gaysan doonaa wadada Jaamacada Camuud tagta qaybta aan laamiga ahayn ee go’an sidii loo samayn lahaa, Madaxtooyo ahaan gacan wayn ayaanu ka gaysan doonaa. maaha markii ugu horaysay ee tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka haaneeday Jaamacada Camuud mashaariic badan ayaa laga fuliyey, Xukuumaddu gacan qabasho wayn ayey u gaysatay, waanan sii wadi doonaa taageeradeeda iyo jaamacada kale ee dalka.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena balan qaaday in Xukuumad ahaan ay xadayn doonaan dhulka Jaamacada oo in dadweynuhu ay ku fidaan looga walaac qabo waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aanu Xukuumad ahaan samayn doonaa oo aanu balan qaadaynaa in dhulka Jaamacada Camuud la ilaaliyo, maadaama ay magaaladii ku soo dhawaanayso markii horena ay aad ugu fogayd, waxa naga go’an in badka dhulkeeda la ilaaliyo oo uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaro, marka golaha deegaanka iyo maayarka magaaladu ay noo soo gudbiyaan Madaxweynuhu wuxuu ku soo saari doonaa wareegto sugan sida uu ugu soo saaray xayn-daabka madaarada dalka oo kale ayaa loogu soo saari doonaa’’ ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.