Xukuumadda Oo Cadaadis Saartay FLY Dubia

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xukuumadda Oo Cadaadis Ku Saartay FLY Dubia In Ay Yarayso Maalmihii Ay Iman Jirtay Hargeysa Iyo Shirkadda Oo Sheegtay In Ay Joojinayso Duullimaadyadeeda

Xukuumadda Somaliland, ayaa cadaadis ku saartay Shirkadda Diyaaraddaha ee FLY Dubia in ay yarayso duulimaadyadii ay ku iman jirtay Magaalada Hargeysa, taas oo ahayd toddobaadkiiba saddex maalmood.

Warqad ay Xukuumaddu u qortay Shirkadda Fly Dubia, ayey ugu sheegtay Shirkaddaasi in ay yarayso maalmihii ay jiran jirtay Madaarka Hargeysa, kuna soo koobto muddo laba maalmood ah.
Lama og sababta rasmiga ah ee ay Xukuumaddu ugu cadaadisay Shirkaddan in ay yarayso maalmihii ay iman jirtay Hargeysa, hase yeeshee waxa wararku tibaaxeen in Shirkaddaha Diyaaraddaha qaarkood codsadeen, iyaga oo u arka in ay cidhiidhi ku gelisay suuqa rakaabka.

Masuuliyiinta sarsare ee Shirkadda Diyaaraddaha ee Fly Dubia, ayaa la sheegay in ay goโ€™aansadeen in ay gebi ahaanba joojiyaan duulimaadyadoodii Hargeysa, haddii la kobayo maalmihii u qorsheysnaa in ay yimaadaan Hargeysa.

Shirkaddan Fly Dubia oo hore muddo sannad ka badan Xukuumaddu Xayiraad u saartay awgeed, dhawaan dib looga qaaday, ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyey shacabka Somaliland ee isticmaali jiray, sida Qurbo joogta iyo ganacsatada oo lacago badan ku bixin jiray Diyaaraddaha kale ee ay raaci jireen.