Xukuumadda JSL Oo Kulan La Qaatay Shaqaalaha Dekedda Berbera ee Ka Warwarsan in Shaqadda laga caydiyo iyo Balanqaadyo Loo Sameeyey

Berbera – (warsoor) – Xubnihii guddida Maalgashiga dekeda Berbera ka shaqaynayey oo uu wehelinaayo Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Cali Sandulle ayaa kulamo la yeeshay shaqaale weynaha dekeda Berbera, markii shirarkaasi laga soo baxayna waxa saxaafada la hadlay oo warbixin ka siiyey wixii laysla meeldhigay wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxaana ka mid ahaa hadaladiisi.

” Waxa aanu socdaal shaqo ku nimid Saaka Magaalo Madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, annagoo ka kooban shan xubnood oo golaha wasiirada ka mid ah oo isugu jirna Xubnihii guddida Maalgashiga dekeda Berbera ka shaqaynayey iyo Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo isaguna arrinta halkan taala darteed noogu soo kordhay, waxa aanu u nimd in aanu kulamo la yeelano, is xogwaraysi ku saabsan shaqaalaha guud ahaan ka hawlgala dekeda, haday tahay shaqaalaha muruq-maalka geelaha, salfadoorka, dekeda IWM, sida aynu dhamaanteen la wada socono xukuumadda Somaliland waxay wada hadal heshiis la samaysay shirkada DP World, heshiiskaasoo ah mid maalgashi oo dekedeena lagu horumarinayo, sharaxbadan ugu noqon mayno, waxa la qabandoono iyo waxa la xidhiidha arrintaas.

Maxamuud Xaashi

Waxa aanu u nimid in aanu uga waranno shaqaalaha kala duwan saamaynta heshiiskani ku yeelanayo iyadoo ay cabatino naga soo gaadheen, kuwaasoo dabcan aanan qariibsanayn xukuumad ahaan werwerka iyaga ku soo kordhay madaama ay maqleen in dekedii shirkad aynu wadaag iyo malgashi aynu samaynayno, shirkada DP World-na ay maamuli doonto, waxa aanu halkan ugu nimid maareeyaha dekeda iyo masuuliyiintii dekeda, dhawr kulan ayaanu halkan ku qabanay oo mar waxa aanu la kulanay tiro luxdan oo ay soo qaybsadeen shaqaalaha salfadoorku, waxa kaloo aanu la kulanay shaqaalaha muruq-maalku guddi ay soo gaabsadeen oo miisaan leh Geelle (A) iyo Geelle (B) oo waayeelkoodii halkan nagu weheliyaan, waxa aanu ka dhegeysanay dareennadoodii iyo cabatinkoodii iyo werwerkoodii, sida aan carabka ku dhuftay waxa aanu qariibsanayna may ahayn oo waa wax aanu ugu garaabayno oo macquul ah, xukuumadda Axmed Silaanyo ee aanu wasiirada ka nahay, waxa aanu maalgashiga u doonayno dekeda Berbera in uu wax u soo kordhiyo qaranka Somaliland, inuu wax u soo kordhiyo magaalo madaxda gobolka saaxil berbera, inuu wax u soo kordhiyo dekeda, uma wadno inuu shaqaaleheeda xuquuqdiisa lumiyo, waxaanu nahay xukuumaddii qarankan ee la doortay ee ka masuulka ahayd if iyo aakhiroba.

DP World iyo dekedan dhismeheeda iyo maalgashigeedu, hadii shaqaaleheedu ku shaqo beelayaan, xigmad iyo nuxur uu salka ku hayaa maalgashideedu ma jiro, waxa aanu wadnaa intan in ka badan 3,000 ee maanta ka shaqaysaa in ka badan inay ka shaqo  hesho ayaanu rabnaa oo aanu jecelnahay marwalba Insha Allaa, saddexa kun waxay isugu jiraan shaqaalahaasi shaqaale kala duduwan, dhamaantood waxa aanu u cadaynay in qof shaqo waayayaa aanu jirin xuquuqdooduna ay tahay mudami, masuulna ay xukuumadu ka tahay, si fiican ayaanu isu afgaranay, way noo cawdeen, waa lanaga dhex shaqeeyey warar badan ayaa noo kala tegay anaguna waanu ka raagnay, balse waxa aanu ku kala tagnay is afgarad, waxa aanu ku kala tagnay in aanu xuquuqdoodii iyo kalsoonidoodii beerno, waxa aanu ku kala tagnay inay guddiyo kooban soo qaybsadaan oo aanu arrimahooda meel ku tiirino, annagana waxa naga go’an in aanu dhamaantood maslaxadahooda meel ku tiirino waayo dawladoodii ayaanu nahay masuul ayaanu ka nahay, kulankaasina waxa uu ku soo afmeermay is fahan iyo is afgarad wanaagsan waana mida aanu shirkan u qabanay kolayba waa loo dhegtaagatee in aanu intaa ku muujino dhamaantoodna waanu u mahadcelinaynaa shaqaalaha dekeda, masuuliyiinta dekeda iyo masuuliyiinta maamulka gobolkaba dhamaantood, waxanan intaa ku darayaa Xukuumaddu, waa xukuumadii dadkan weeye, maaha cadaw ku soo duulay halkan kama wadno cadaawad, cabudhin, xadhig iyo bello, maaha dawladihii aynu la dagaalamaynay tani waa dawladii dadkani doortay ee lahayd ee lexjeclada ka lahayd, waxa aanu leenahay bulshada gobolkan saaxil dhan-xiirka iyo dhan gaagaalaha iyo warxumo tashiilka yaanay dhegihiina bello laga buuxinin, wanaag baynu wadnaa, wax inay inoo kordhaan baynu wadnaa, waxa aanu ugu baaqaynaa bulshada inay horumarka taageeraan, nabada ilaaliyaan, waxa wanaagsan ee aanu wadno nagala shaqeeyaan. aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.