“Xukuumad Ahaan Waanu Dadaalnay, Waa Waajib na Saaran Kuna Faani Mayno, Maantana Tamashle Iyo Ole-ole Siyaasadeed Boorama Umaanu Iman.” Wasiirka Madaxtooyada JSL

Boorama   (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa oo ka mid ahaa wefti balaadhan oo xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ka socday oo maanta gaadhay Boorama ayaa ka hadlay ujeeda socdaalkooda.

Wasiir Xaashi ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ay Boorma gaadhsiiyey deeq dawooyin ah waxaanu xusay in aanay Ole-ole u socon balse safarkoodu uu ahaa mid gurmad ah waxaanu yidhi  “ Waxaannu halkan u nimid gurmad xaalada shuban biyoodka ee gobolka Awdal ku soo korodhay magaallo madaxdiisa Boorama wakhtigii labaad soo laba-kaclaysay ayaannnu u nimid. Guud ahaanba waxa aynu soo marnay marxalad adag oo abaar ah dalkeena saamaysay, oo dad ku dhow ilaa laba malyuun oo qof, ama malyuun iyo todoba boqol oo kun oo qof ah, oo muwaadidiinta dalkana saamaysay, xoolo badan innaga laysay, qaran ahaan ayeynu isku tashanay.”

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena sharaxay dadaalkii Madaxweyne Siilaanyo ee xaaladaha abaarta iyo shaban biyaadka waxaanu yidhi “ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada ugu baaqay inay is-kaashato, waxa uu qarankii ka dhigay heegan, xukuumad ahaan waxba lamaanu hadhin, bulshada Somaliland way dadaashay oo waxba lamay hadhin, hoggaamiyuhu ummadda waxa uu ku hagaa xeelad ay duruufaha adag kaga baxaan, taasi waxa ay keentay abaartaas sadexda boqol ee kun ee qoys ee reer Somaliland ah saamaysay dad tirro ka badan toban qof in aanay abaartaasi inaga dilin, abaaraha waa lagu madhaa.”

Wasiirka Madaxtooyada ayaa sidoo kalena ka hadlay khasaaraha dhimasho ee ka dhalatay shuban biyoodka waxaanu yidhi “ Waxa inoo weheliyey markii roobkii da’ay xanuunkan shuban biyaadka wuxuu ku dhacay dad gaadhaya dhawr iyo toban kun oo muwaadiniin ah, 12, 000 ilaa 13, 000 ayaan qiyaasayaa, tirada rasmiga ah waxa haysa bahda caafimaadka, oo kun in ku dhaw uu gobolkani kaga dhacay, waxa inagga dhintay laba boqol iyo lixdan qof dad aan ka badnayeyn, halkaa waxa ka muuqata cudurkii wuxuu inaga dilay dad aanay abaartii inaga dilin, waa la dadaalay, Wasaarada caafimaadka oo digtoor Saleebaan uu u horeeyo waxaannu ku bogaadinaynaa dadaalkii ay galeen, iyo hawl wadeenada gobollada ee bahda caafimaadka, gaar ahaan gobolkan Awdal ee aannu maanta joogno, xaaladan xakameeyey, aad iyo aad ayaanu u bogaadinaynaa.”

“ Waxaannu bogaadinaynaa Hay’adda Save The Children oo iyaduna gacan weyn ka gaysatay, iyo dhamaan hay’adaha kale ee inaga caawiyey gargaarkan iyo gurmadkan, waxba anagu xukuumad ahaan lamaanu hadhin, wixii aannu tari karaynay waanu tarnay, xilka Ummaddan anagaa hayna, wax wal oo aannu u qabano ma nidhaa halkaasaanu dhagax galinay.”

Md. Maxamuud Xaashi Cabdi waxa uu sheegay in sannadkii ugu dambaayey ay dalka kala soo dabaasheen xaaldado adag waxaanu yidhi “Waxa aynu ka soo dabaalaynay duruufo adag, hadii aannu nahay Xukuumad liidata oo qorshe aan lahayn sidaa may ahaateen, ummadduhuna waxa ay wax kaga badbaadaan dadaalka, hiigsida iyo  qadarka ILAHAY, nasiibka iyo ayaanka, hadaan ILAHAY noo fududayn, oo aannu ayaan daran nahay, qarankani waxaas oo duruufo ah kama soo dabaasheen muddo hal sanno gudaheed ah, waannnu dadaalnay, waa waajib na saaran kuna faani mayno, maantana tamashle iyo ole-ole siyaasadeed halkan umaanu iman, marka ole-oluhu bilaabmo Xukuumaddani waa xisbigii tallada hayey muddo todoba sanno ah, waxaannu la soo bixi doonaa waayo aragnimadayyadii iyo khibradayadii, waannu garnaqsan doonaa, waxaannu la soo bixi doonaa waxaanu qabanay, waxaannu la soo bixi doonaa waxaannu ummadda u qaban doono, khibradayada ayaanu keeni doona gollahan maantana maaha.”

Wasiirka Madaxtooyada JSL  ayaa sidoo kalena bogaadiyey Xisbiga KULMIYE iyo hogaankiisa waxaanu yidhi “ Waxaan isagana bogaadinayaa Gudoomiyaha Xibsiga KULMIYE mudane Muuse Biixi, iyo taageerayaasha xisbiga Kulmiye, oo hawlahan gurmadka shuban biyoodka iyo abaaraha dadaal weyn ka gaystay. Waxaannu annagu Xukuumad ahaan gargaar dawo gobolkan u sidnay boqol iyo labaatan kartoon oo dawo ah, dawooyin kalena way soo socdaan, waxaaNnu aaminsan nahay inaan laga werweri doonin in ay dawo inaga go’do ILAAHAY amarkii.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.