Xukun dil ah oo lagu riday Sarkaalkii dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed

Muqdisho – (warsoor) – Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno isugu jira  Dil iyo Darajo Qaadis ku ridday G/sare C/naasir Xoosh oo dilay EX. Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino).

Kadib dhagayesiga dacwadda loo haystay C/naasir Xoosh oo maalmahan ay maxakamadda hortaalay ayaa la soo geba gebeyeey iyadoo go’aan ay ka gaartay Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.

Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go’aanka Maxakamadda.

“Taariikdu marka aheyd 10-02-2018 Maxakamadda Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka sida waxay u fadhiisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo heystay Edeysane  G/sare C/naasir Xoosh 54 sano jir ah oo ahaa Taliyaha Raxanta Doomaha ee Ciidanka Badda kaa oo xafiiska xeer ilaalinta Maxkamadda qalabka sida ku Eedeeyay Danbiga ah Dil bareer ah kadib markii uu xabad bareer ah madaxa ugu dhuftay Abaanduulihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Siciid Aadan yuusuf Siciid Mariino waxayna maxkamadda ku riday xukuna ah kow waxay ka xayuubisay Darajada uu sitay oo aheyd gaashaanle sare labo waxay maxkamaddu ku xukuntay Dil Toogasho ah”ayuu yiri Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute

Admiral Siciid Aadan yuusuf (Siciid Mariino) ayaa lagu dilay gudaha Dekedda Muqdisho 19kii bishii tagtay ee Janaayo 2018,wuxuuna dowr muuqda uu ku dhexlahaa ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo in muddo ah ka soo shaqeynayay.

Codka Guddoomiyaha Maxakamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida G/sare Xasan Cali Nuur Shuute oo ku dhawaaqay go’aanka Maxakamadda Halka hoose ka dhageyso.

 

Xigasjo: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.