Xubin sare oo FIFA iska casilay

FIFA – (warsoor) – Domenico Scala, madaxa hantidhowrka iyo u hogaansanaanta shruudaha ee FIFA, ayaa xilkii iska casilay isagoo ka cabanaya isbadellada lagu sameynayo xiriirka kubadda cagta caalamka ee FIFA.

Scala ayaa ka caraysan in golaha cusub ee FIFA uu awood u yaalan doono in ay magacaabaan oo ay xilka ka qaadaan dadka madaxda ka ah guddiyada, ay ka mid ka yihiin hantidhowrka, anshaxa iyo dhaqaalaha.

Golaha ayaa waxaa lagu badelay guddiga fulinta ee FIFA, arrintan ayaa ka dhalatay fadeexad musuqmaasuq oo haraysay hay’adda.

masuul_sare_Fifa

Bayaan uu soo saaray Mr Scala ayuu ku sheegay in tallaabada ay xaddidayso xorriyadda guddiyada muhiimka ah oo ay ka mid tahay baaritaannada la sameeyo.

Guddiyada ayaa “waxaa laga xayuubiyay xorriyaddoodii”, ayuu yidhi Scala.

Scala ayaa dowr muhiim ah ka dheelay riixidda isbadellada FIFA kaddib fadeexado horseeday in shaqada laga joojiyo Gudoomiyihii hore ee FIFA Sepp Blatter iyo dhiggiisa Uefa Michel Platini.

Xigasho: BBC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.