Xoghayaha Guud ee QM Antonio Guterres oo Baydhabo kulamo kula leh Madaxda Koofur Galbeed

Muqdisho – (warsoor) – Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa wuxuu kulan la qaatay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya guud ahaan, si gaar ahna Arrimaha Abaaraha oo haatan si wayn u saameeyay kala bar dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kulankooda ay uga wada hadleen xaalada abaaraha ee ka jira Dalka Soomaaliya asaga oo xusay in ay xaalada abaaraha siinayaan Ahmiyada kowaad si loo badbaadiyo dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Madaxweynaha ayaa xusay in ay dowladiisa Muhiimada gaar ah siineyso caawinaad dadka ay aabaraha saameeyeen asaga oo xusay in Qaramada midoobayna ay ku gacan siineyso taakuleynta Dadka ay abaaraha Saameeyeen.

Intaa kaddib xoghayaha Qaramada Midoobay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Baydhabo, ayaga oo haatan kulamo la leh madaxda dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Koofur Galbeed.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.