Xogahaya Qaramadda Midoobay oo Cadaais Ku Saaray Hawl-gala Qaramadda Midoobay ee Suudaanta Koonfureed

Suudaanta Koonfureed – (warsoor) – Xoghayaha Qaramadda Midoobay ayaa cadaadis ku saaray hogaanka hawl-gal Qaramadd Midoobay ee Juba, ka dib markii ay soo shaac baxday baadhitaano madax banaan oo daaha ka fayday in rabshado khasaara badan gaystay ay ka dhaceen goobaha rayidka ee magaaladd Juba, xoghayaha ayaa sheegay in si weyn loola xisaabtami doono hogaanka.

unmiss_juba_2016

Sida lagu sheegay warbixin laga soo saaray baadhitaano gaar ah oo madax banaan oo laga sameeyey rabashadiihii dalkaasi ka dhacay horaantii bishii July, waxaa la soo bandhigay in hawl-galka qaramadda Midoobay ee Koonfurta Suudaan aanay si wax ka ool ah jawaab uga bixin rabashadiihii dahcay waxaana taasi lagu macneeyey inay ugu wacnayd hogaan la’aan, diyaar garwo la’aan iyo la isku duba ridi kari waayey qaybaha uu hawl-galku ka koobaan.

Baadhitaankan madaxa banaan ee la soo bandhigay waxaa la sheegay in amaradda iyo nimaadinta kaantaroolku aanay ahayn kuw ku filan ay in ciidamada nabad ilaalinto ay xakameeyaan khataraha iman karaayey. Dhamaan arimahani waxay keeneen in hawl-galka Qaramadda Midoobay uu ku guuldaraystay inuu ka jawaabo weeraradii ciidamadda dawladdu ku qaadeen xeradda Terrain 11 July.

War-saxaafadeedkan ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramadda Midoobay ayaa sheegay in Baadhitaanaddan gaarka ahi aanay awoodin inay xaqiijiyeen eedaynta loo soo jeediiyey ciidamada Nabad-ilaalinta inay wax ka qabtaan faraxumayn hortooda loogu gaystay qaar ka mid ah dadkii ku jiray Kaamamka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.