Xisbiyadda Qaranka Somaliland oo Go’aamiyey in Doorashadda Dib Loo Dhigo

Hargeysa – (warsoor) –  Kulan ay maanta isugu yimaadeen saddexa xisbi qaran iyo abwaanadda Somaliland ayey ku go’aamiyeen in doorashadda dib loo dhigo maadaama dalka ay ka jirto abaar baahsan xukuumaddu ay ku dhici wayday inay dalbato muddo kordhin.

Abwaaniinta Qaranka Somaliland ayaa soo qaban-qaabiyey kulan ay isku soo horfadhiisiiyeen gudoomiyayaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland, kulankaasi oo ay ugu talo-galeen ay ku xaliyaan khilaafaadka ku dhex jira qaar ka mid ah gudoomiyayaasha saddexda xisbi qaran iyo sidoo kale inay ka dhaadhiciyaan in aan olole doorasho iyo doorashadda dalka ka dhici karta xiligan lagu jiro abaarta aanay jirin.

Gudoomiyayaasha Saddexa xisbi qaran ayaa soo dhaweeyey talo-soo jeedinta abwaaniinta qaranka Somaliland.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in maanta ay go’aansadeen in doorashadii madaxweynenimadda aanay suurto-gal ahayn la qabtoo xiligii hore loo qorsheeyey, balse waxay sheegay in ay soo jeediyeen in dib loogu dhigo muddo aanay si rasmi ah u caro baabin.

Gudoomiyaha Xisbgia mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmana Cirro iyo Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa iyaguna dareen isku mid ah ka muujiyey xaaladda abaaraha dalka ka jiran, waxanay sheegeen in aanay suurto-gal ahayn in doorasho ay dalka ka qabsoonto, balse loo baahan yahay in la samata bixiyo bulshadda ay abaartu ku dhufatay.

Kalmadii Gudoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe Ka Jeediyey Madasha:

Kalmadii Gudoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Cirro Ka Jeediyey Madasha:

Kalmadii Gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Ka Jeediyey Madasha:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.