Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Sameeyey Garabkii Aqlabiyadda UCID oo Ku Soo Biiray

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad ballaadhan oo Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI uu ku soo dhaweynaayey garabkii Aqlabiyadda Xisbiga mucaaradka ah ee UCID oo u soo diga-rogtay Xisbigaasi, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Guuleed ee magaalada Hargeysa.

Siyaasiyiintan iyo taageerayaashan cududooda taageero ku soo biiriyey Xisbiga WADDANI, ayaa waxa hormuud u ahaa Xasan Cismaan Sabca, Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile, Maxamed Haaruun Biixi, Nuuradiin Ibraahim Cabdi(Diini), Aadan Cali Yoonis, Cabdi Biid, Deeqa Cabdi Caaqil, Cabdi Cali Kornayl Qamadi, Abwaan Dayrwaa, Aadan Maxamed Ibraahim Magaanyo, Safiya Maxamed Aw-Xasan, siyaasi Axmed Bile iyo weli ba haldoor iyo dhallinyaro kale oo aad u tira badan, waxaana munaasibaddii soo dhaweyntooda qalbi furan ku qaabilay isla mar ahaantaana goob-joog ka ahaa Murashaxa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka WADDANI, Hoggaamiyaha Xisbiga, Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Siyaasi Xuseen Axmed Caydiid, Cabdirisaaq Khaliif, Siyaasi Buubaa, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal aad u tira badan.

Aadan Suldaan Cabdiraxmaan, Xildhibbaan Maxamed Faarax Qabile, Maxamed Haaruun Biixi, Nuuradiin Ibraahim Cabdi(Diini), Aadan Cali Yoonis, Cabdi Biid, Deeqa Cabdi Caaqil, Cabdi Cali Kornayl Qamadi, Abwaan Dayrwaa, Aadan Maxamed Ibraahim Magaanyo, Safiya Maxamed Aw-Xasan, siyaasi Axmed Bile oo dhammaantood ba ka mid ah mid ah mas’uuliyiintii u soo diga-rogtay Xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa waxa ay ku dheeraadeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in la soo midoobaan Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in ay u arkaan in uu yahay Xisbiga kaliya ee dalkan u horseedi kara horumar, cadaalad, sinnaan iyo weli ba sida oo kale na ka midho dhallin kara Ictiraafkii raagay ee Somaliland ay raadinaysay muddooyinka badan.

“Farxad-weyn bay noo tahay in aanu maanta ku soo biirno Xisbiga WADDANI, waxa aanu hore uga tirsanayn Xisbiga UCID se maanta waanu idin la midownay reer Wadaniyoow, waxa aanu halkan ka markhaati furaynaa in Xisbiga WADDANI yahay Xisbi dad isku hayn iyo isku wadid ba, haddii aanu cadaalad iyo hoggaansan ka weynay Xisbigayagii, waanu hubnaa in WADDANI yahay madal furan oo loo siman yahay. Somaliland na maanta waxa aanu qabnaa in WADDANI yahay xisbiga kaliya ee ka saari kara kala qoqobka iyo cadaalad darada isla mar ahaantaana keeni kara Ictiraafkii aynu mudada dheer goobeynay.”.Ayey

yidhaahdeen mas’uuliyiintii ku soo biirtay WADDANI.

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:”Nin Gabaxaddii la odhan jiray ayaa waxa uu odhan jiray beerka ka ogsooni, markaa guddoomiye Saaxil wax yar baa kaaga hadhay oo boqolkii ba sideetan waad ku guulaysanaysaa oo Saaxil codka ciddii abaalka kugu lahayd ileyn nin ba abaalka wax buu kugu lee yahay e’ oo abaalka codka waxa nagu lahayd Laan-mulaaxo, waana aanu garanaynaa oo diyaar bay kuu yihiin reer Saaxil, Muuse Biixi na waxa aan lee yahay waar abaalka aan kuu haynaa maaha ka codka ee sidaas ogow.” ayuu yidhi Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble.

Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibbaan Aareeye, Cabdirisaaq Khaliif, Xuseen Axmed Caydiid, Siyaasi Buubaa, Xuseen Aadan Cadde iyo weli ba sida oo mas’uuliyiin ka tirsan Xisbiga WADDANI oo dhankooda halkaas hadalo kooban ka jeediyey, ayaa carabka ku dhuftay in ay bilaabantay dabeyshii isbedelka u horseedi lahay Somaliland, waxaana ay tilmaameen in ay aad ugu faraxsan yihiin garabka ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo ay sheegeen in uu yahay garab aad u miisaan culus.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka jeediyey erayo soo dhaweyn ah ayaa waxa uu tilmaamay: “Inta Xisbiga UCID naga ga timi aad baanu u soo dhaweynaynaa taladooda iyo go’aankooda ay ku qaateen in ay halkan na la xoojiyaan oo aanu meel ka wada qabano, waxa aan u arkaa in ay talo saxan tahay, waxa aan u arkaa in Xisbiga ni yahay Xisbigii lagu ururayey ee la iskugu imanaayey, qaar badan oo hada maqana way iman doonaan, waana uu noqon doonaa Xisbiga hoggaamin doona talada dalka. Xisbiga WADDANI na waa loo kala horreeyey uune lama kala laha, aniga shalay baa lay  soo dhaweeyey maanta na idinkaan idin soo dhaweynayaa.”. Ayuu yidhi Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI.

Siyaasi Xasan Cismaan Sabca oo guddoomiye u ahaa garabkii Aqlabiyadda UCID ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa dhayda ka caddeeyey in ay garab ahaan aad ugu kalsoon yihiin in ay la soo midoobaan Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay in WADDANi uu noqday Xisbiga kaliya ee ay ka sii horumarin karaan isbedelkoodii iyo hiigsigoodii siyaasaddeed ee ay qabteen.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Cirro oo ugu dambeyn halkaas ka hadlay ayaa isna soo dhaweeyey garabka ku soo biiray, waxaana uu tilmaamay  “Waxa aan u mahad-naqayaa garabkii wada-hadalka ee aqlabiyadda Xisbiga UCID iyo weli ba Xisbiga WADDANI oo innoo suurto-geliyey in uu heshiis dhaco oo aynu halkanna iskugu nimaadno, dhammaan xubnahaas na waan u mahad-naqayaa. Intaa ka dib, aniga oo ku hadlaaya magaca Xisbi weynaha WADDANI, waxa aan halkan si weyn uga soo dhaweynayaa guud ahaan garabkii Aqlabiyadda Xisbiga UCID oo maanta ay halkan marayaan madaxdii, siyaasiyiintii, aqoonyahankii, dhallinyaradii, haweenkii iyo taageerayaashii aqlabiyadda UCID oo dhammaantood ba halkan u jooga siddii ay cududooda taageero, kartidooda iyo dhaqaalahooda ba ay ugu soo biirin lahaayeen Xisbiga WADDANI si qaranka Somaliland loo badbaadiyo.”.

Dr.Cirro, waxa kale oo uu yidhi: “Waxa aan si mugweyn u soo dhaweynayaa garabka aqlabiyadda Xisbiga UCID ay kaga qeyb-galayaan hoggaanka Xisbiga, fulinta, golahiisa dhaxe iyo guud ahaan ba qaab dhismeedka guud ee Xisbiga, haddii ay tahay dalka dibaddiisa iyo haddii ay tahay dalka gudahiisa ba, waxaana aan si gaara ugu mahad-naqayaa ragga iyo hablaha qiimaha leh ee garabka Aqlabiyadda UCID, waxaana aan lee nahay si gacmo furan ku soo dhawaada”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.