Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Ku Qaabilay Haween-weynaha Degmada Axmed Dhagax oo Ku Soo Biiray Xisbigaas

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad aad u ballaadhneyd oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey haween-weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo ku soo biiray sida oo kale cududooda taageero ku muujiyey in ay yar iyo weyn ba taageersan yihiin Xisbigaasi, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maroodi-jeex ee Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid ay soo buux dhaafiyeen labeenta iyo haldoorka haween-weynaha saaxiibka iyo wehelka ba u ah guusha Madaxtininada Doorashooyinka Somaliland ee degmada degmada Axmed Dhagax, ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa sida oo kale na qalbi san iyo weji furan ba ku qaabilay haweyn-weynahaas Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Cabdi Haybe, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid, Mujaahid Ooto Biixi, guddoomiyaha WADDANI ee UK Md.Xuseen Aadan Cadde, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee WADDANI Milgo San-baloodhshe, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin iyo taageerayaal aad u tira badan.

Qaar ka mid ah haween-weynahii halkaas lagu soo dhaweeyey oo ugu horreyn hadalo kooban jeediyey, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaanafģguww0i ay sheegeen in ay WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee ay ka degmo ahaan ay ku qabaan kalsooni buuxda iyaga oo carabka ku dhuftay in WADDANI uu yahay xisbi ay iska lee yihiin reer Axmed Dhagax.

“Hadaanu nahay haween weynaha degmada Axmed Dhagax waxa aanu maanta cududayada taageero ku muujinaynaa Xisbiga WADDANI oo aanu u aragno in uu yahay Xisbiga kaliya ee dalkan ka saari kara xaaladda uu ku jiro, haddii hore uu Jamaal Cali Xuseen u yidhi Muuse Biixi geelayaga ayaa iskugu kaaya jira anaga na xuduntayada ayaa la kala gooyey Cabdiraxmaan Cirro, waxa aanu lee nahay haddii aanu nahay haweenka reer Axmed Dhagax hiil iyo hooba waanu kula garab taagan nahay, meel reer Axmed Dhagax soo galeena kamay soo dhalaali waayin. Xisbiga hore ayaanu ugu jirnay.”.Ayey yidhaahdeen haweenweynaha degmada Axmed Dhagax ee xafladda loo qabtay.

Marwo Faadumo Suudi, Guddoomiyeyaasha haweenka ee goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer, guddoomiyaha haweenka ee laanta WADDANI ku lee yahay dalka Jarmalka iyo weli ba sida oo kale haween tira badan oo ka tirsan WADDANI, ayaa iyagu na dhankooda si aada u soo dhaweeyey haween-weynaha ku soo biiray, waxaana ay carabka ku dhufteen in cududa taageero ee ku soo biirtay ay muujinayso in Xisbiga WADDANI uu ku guuleysanaayo Doorashada Madaxtinimo ee soo socota.

Guddoomiyaha garabka haweenka heer-qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Keyse  oo iyadu na halkaas ka hadashay, ayaa xustay in ay aad ugu faraxsan tahay in haweenka reer Axmed Dhagax ay cududoodii taageero ku soo biiriyaan Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaantay in uu yahay xisbiga cadaaladda iyo sinaanta ee Somaliland.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aad Xisbigii wada timaadeen idinka oo awalba aan naga maqneyn, waxaana cad oo muuqata in ururkii Xaqsoor aad ku badasheen WADDANI se intii beesha Dhul-bahante idin kala socotay waagaas na dee raadiya oo doona reer Axmed Dhagaxoow, waana Alle mahadii mar haddii aad na la garateen Xisbiga WADDANI e’ cadaaladda iyo sinaanta sameeyey sida oo kale na simay umadda oo dhan ee Giraanta ku soo wada xidhay.”.Ayey tidhi Marwo Foosiya Keyse.

Mujaahid Ooto Biix oo isna halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan idiin sheegayaa waad aragtaan qiirada dumarka ka socota, xaafadayadan hagbad baanu ku jirnay oo laba xaafaddood oo kale ayaanu hagbad kula jirnay oo gacantayadii markii aanu islahayn qaata waa la la fadhiistay sidii Sheerka(Share), hada ba waxa aanu idiin sheegaynaa maadaama oo na laga la fadhiistay waxa aanu sameynaynaa in aanu fartayada siddii ilaa qaaxo ilaa dalka markii la soo galay noo astaanta ahayd in aanu fartayada ku rideyno KULMIYE, hagbad dambe oo na laga la fadhiista na isqarxin uun baa nooggu xigaysa.”.

Siyaasi Cabdi Haybe, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid, guddoomiyaha WADDANI ee UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee WADDANI Marwo Milgo San-baloodhshe, xoghayaha WADDANI ee Sayniska iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo halkaas ka hadalo ka jeediyey, ayaa iyagu na dhankooda, waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyaan haween-weynaha reer Axmed Dhagax, waxaana ay sheegeen in shacabka deegaanada Axmed Dhagax iyo Hawd ba ay ku mideysan yihiin taageeridda Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana aanu Xisbiga KULMIYE.

cod ka heli doonin deegaanaddaasi.

Xoghayaha Guud ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna dhankiisa halkaas weedho ka soo jeediyey, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI uu aad u soo dhaweynaayo taageerada haween weynaha degmada Axmed Dhagax, waxaana uu tilmaamay in guusha siyaasaddeed ee Madaxtinimada Somaliland ay mar walba wehel iyo saaxiiba la tahay had ba cidda ay raacaan shacabka ka soo jeeda deegaanada Axmed Dhagax, Hawd iyo badi ba deegaanada Somaliland.

Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Ku Qaabilay Haween-weynaha Degmada Axmed Dhagax oo Ku Soo Biiray Xisbigaas+SAWIRO

Khadar Gurayte

to a.damuud@hotmail.com, a.sencer.g@hotmail.com, aadan@caynabanews.com, +301
13 hours ago

Details

Xisbiga WADDANI oo Xaflad Soo Dhaweyn ah u Ku Qaabilay Haween-weynaha Degmada Axmed Dhagax oo Ku Soo Biiray Xisbigaas+SAWIRO

Hargeysa():-Xaflad aad u ballaadhneyd oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayey haween-weynaha degmada Axmed Dhagax ee magaalada Hargeysa oo ku soo biiray sida oo kale cududooda taageero ku muujiyey in ay yar iyo weyn ba taageersan yihiin Xisbigaasi, ayaa maanta ka qabsoontay hotel Maroodi-jeex ee Hargeysa.

Xafladan oo ahayd mid ay soo buux dhaafiyeen labeenta iyo haldoorka haween-weynaha saaxiibka iyo wehelka ba u ah guusha Madaxtininada Doorashooyinka Somaliland ee degmada degmada Axmed Dhagax, ayaa waxa kale oo goob-joog ka ahaa sida oo kale na qalbi san iyo weji furan ba ku qaabilay haweyn-weynahaas Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi, Hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Xoghayaha guud ee Xisbiga Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Siyaasi Cabdi Haybe, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid, Mujaahid Ooto Biixi, guddoomiyaha WADDANI ee UK Md.Xuseen Aadan Cadde, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee WADDANI Milgo San-baloodhshe, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba mas’uuliyiin iyo taageerayaal aad u tira badan.

Qaar ka mid ah haween-weynahii halkaas lagu soo dhaweeyey oo ugu horreyn hadalo kooban jeediyey, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan Xisbiga WADDANI, waxaana ay sheegeen in ay WADDANI uu yahay xisbiga kaliya ee ay ka degmo ahaan ay ku qabaan kalsooni buuxda iyaga oo carabka ku dhuftay in WADDANI uu yahay xisbi ay iska lee yihiin reer Axmed Dhagax.

“Hadaanu nahay haween weynaha degmada Axmed Dhagax waxa aanu maanta cududayada taageero ku muujinaynaa Xisbiga WADDANI oo aanu u aragno in uu yahay Xisbiga kaliya ee dalkan ka saari kara xaaladda uu ku jiro, haddii hore uu Jamaal Cali Xuseen u yidhi Muuse Biixi geelayaga ayaa iskugu kaaya jira anaga na xuduntayada ayaa la kala gooyey Cabdiraxmaan Cirro, waxa aanu lee nahay haddii aanu nahay haweenka reer Axmed Dhagax hiil iyo hooba waanu kula garab taagan nahay, meel reer Axmed Dhagax soo galeena kamay soo dhalaali waayin. Xisbiga hore ayaanu ugu jirnay.”.Ayey yidhaahdeen haweenweynaha degmada Axmed Dhagax ee xafladda loo qabtay.

Marwo Faadumo Suudi, Guddoomiyeyaasha haweenka ee goballada Maroodi-jeex iyo Togdheer, guddoomiyaha haweenka ee laanta WADDANI ku lee yahay dalka Jarmalka iyo weli ba sida oo kale haween tira badan oo ka tirsan WADDANI, ayaa iyagu na dhankooda si aada u soo dhaweeyey haween-weynaha ku soo biiray, waxaana ay carabka ku dhufteen in cududa taageero ee ku soo biirtay ay muujinayso in Xisbiga WADDANI uu ku guuleysanaayo Doorashada Madaxtinimo ee soo socota.

Guddoomiyaha garabka haweenka heer-qaran ee Xisbiga WADDANI Marwo Foosiya Keyse  oo iyadu na halkaas ka hadashay, ayaa xustay in ay aad ugu faraxsan tahay in haweenka reer Axmed Dhagax ay cududoodii taageero ku soo biiriyaan Xisbiga WADDANI oo ay ku tilmaantay in uu yahay xisbiga cadaaladda iyo sinaanta ee Somaliland.

“Aad baan ugu faraxsanahay in aad Xisbigii wada timaadeen idinka oo awalba aan naga maqneyn, waxaana cad oo muuqata in ururkii Xaqsoor aad ku badasheen WADDANI se intii beesha Dhul-bahante idin kala socotay waagaas na dee raadiya oo doona reer Axmed Dhagaxoow, waana Alle mahadii mar haddii aad na la garateen Xisbiga WADDANI e’ cadaaladda iyo sinaanta sameeyey sida oo kale na simay umadda oo dhan ee Giraanta ku soo wada xidhay.”.Ayey tidhi Marwo Foosiya Keyse

Mujaahid Ooto Biix oo isna halkaas kelmado kooban ka jeediyey, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan idiin sheegayaa waad aragtaan qiirada dumarka ka socota, xaafadayadan hagbad baanu ku jirnay oo laba xaafaddood oo kale ayaanu hagbad kula jirnay oo gacantayadii markii aanu islahayn qaata waa la la fadhiistay sidii Sheerka(Share), hada ba waxa aanu idiin sheegaynaa maadaama oo na laga la fadhiistay waxa aanu sameynaynaa in aanu fartayada siddii ilaa qaaxo ilaa dalka markii la soo galay noo astaanta ahayd in aanu fartayada ku rideyno KULMIYE, hagbad dambe oo na laga la fadhiista na isqarxin uun baa nooggu xigaysa.”.

Siyaasi Cabdi Haybe, Garyaqaan Xuseen Axmed Caydiid, guddoomiyaha WADDANI ee UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde, guddoomiye ku xigeenka shanaad ee WADDANI Marwo Milgo San-baloodhshe, xoghayaha WADDANI ee Sayniska iyo weli ba sida oo kale mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan oo halkaas ka hadalo ka jeediyey, ayaa iyagu na dhankooda, waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay Xisbiga WADDANI ku soo dhaweeyaan haween-weynaha reer Axmed Dhagax, waxaana ay sheegeen in shacabka deegaanada Axmed Dhagax iyo Hawd ba ay ku mideysan yihiin taageeridda Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana aanu Xisbiga KULMIYE cod ka heli doonin deegaanaddaasi.

Xoghayaha Guud ee WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna dhankiisa halkaas weedho ka soo jeediyey, ayaa sheegay in Xisbiga WADDANI uu aad u soo dhaweynaayo taageerada haween weynaha degmada Axmed Dhagax, waxaana uu tilmaamay in guusha siyaasaddeed ee Madaxtinimada Somaliland ay mar walba wehel iyo saaxiiba la tahay had ba cidda ay raacaan shacabka ka soo jeeda deegaanada Axmed Dhagax, Hawd iyo badi ba deegaanada Somaliland.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si aad u soo dhaweeyey haweenkaasi, waxaana uu yidhi:”Runtii waxa aan idiin ka mahad-celinaynaa hiilka iyo isbarbar taaga aad soo bar-bar istaagteen Xisbiga WADDANI, waxa runtii hore u muuqatay taageerada laxaadka leh een qarsooneyn ee Xisbigu uu ka haysto deegaanka Axmed Dhagax iyo Hawd iyo weli ba deegaanada ay beeshani degto oo dhan, maanta na haweenka ayaa muujiyey kaalinta ay ku lee yihiin, haddii ay jirtay cid uu mugdi kaga jiray oo lahayd Araboow is cadeena waxa aan lee yahay Arab waa kaas oo wuu iscadeeyey oo rag iyo dumar ba wuu muuqdaa nin garwaaqsaday iyo nin isdiidsiiya ba, maalinta codka na wuu sii kala cadaan doonaa.”.

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI Ambassador Maxamed Xaaji Cali Cabdi oo isna halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi: “Waxa aan aad u bogaadinayaa haween weynaha ku soo biiray Xisbiga WADDANI ee gartay in ay taageeradooda iyo codkooda ba ay isla barbar istaagaan Xisbigan, waxaana aan lee yahay soo dhawaada awalba maydaan maqeyn oo waad na la joogteen, garabkii na na waanu u baahan nahay oo waa hubaal in mar haddii aad na la jirtaan aanu guuleysanayno.”.

Ugu dambeyntii na Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey sida oo kale na sheegay in uu aad

ugu faraxsan yahay taageerada ay Xisbiga WADDANI u muujiyeen haween-weynaha degmada Axmed Dhagax, waxaana uu cududooda taageero ku tilmaamay in ay mustaax u tahay guusha Xisbiga WADDANI ee Doorashada Madaxtinimada Somaliland

“Waxa aan si niyad ah oo qalbi furnaan ah aan u soo dhaweynayaa haween weynaha degmada Axmed Dhagax ee maanta xaflad loo qabtay ku muujiyey codkooda iyo taageeraddooda ba Xisbiga WADDANI, aad baana aad ugu mahadsan tihiin go’aankaas. Waxa aanu ku kalsoonahay oo aanu kalsooni buuxda ku qabnaa taageerada gobalka Hawd iyo degmada Axmed Dhagax iyo weli ba dhammaan deegaanada kale ee aad ka soo jeedaan ee ay ka mid tahay Saaxil, Togdheer iyo weli ba gobalka Daadmadheedh ba ay u noqon doonto muftaaxa guusha WADDANI haddii Alle ka dhigo.”Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.