Xisbiga WADDANI oo Soo Dhaweeyey Siyaasiin Ka Soo Digo Rogtay KULMIYR

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay weheliyaan xubno kale oo kamid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI, ayaa Xarunta Dhexe ee Xisbiga si ballaadhan ugu soo dhaweeyay siyaasiyiin miisaan culus oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI,kuwaas oo ka soo baxay Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiintan oo xarunta guud ee Xisbiga WADDANI war-baahinta kula hadlay,ayaa si rasmi ah u shaaciyey inay ku soo biireen Xisbiga WADDANI,isla markaana ay ka soo baxeen Xisbiga KULMIYE,waxaanay sheegeen inay jidka ku soo jiraan siyaasiyiin kale,kuwaas oo iyana ka soo hayaami doonna maal-maha soo socda Xisbiga KULMIYE.

Siyaasiyiintan miisaanka leh ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI ,ayaa kale ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Mudane,Cabdilaahi Cali Ibraahin, Prof Siciid Xasan Sheekeeye,Prof Jamaal Jaamac Yare,Maxamed Xasan Faahiye, iyo Kayse Baashe Ducaale.