Xisbiga WADDANI oo Soo Bandhigay Cilmi-baadhis Aqooneed oo ay Ku Sameeyeen Dhibbaatooyinka iyo Mugdiyada Ku Gedaaman Saldhigga Milatari ee Berbera

Hargeysa – (warsoor) -Munaasibad si heer sare loo soo agaasimay isla mar ahaantaana uu Xisbiga WADDANI ku soo bandhigaayey cilmi-baadhis xeel dheer oo ay ka soo sameeyeen dhibbaatooyinka, sharci darrada iyo weli ba mugdiyada ku gedaaman saldhigga Milateri ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyey Madaarka magaalada Berbera ee Somaliland, ayaa maanta ka qabsoontay hoolka shirarka Xisbiga WADDANI ee Ex-Hotel Maroodi-jeex oo ku yaalada magaalada Hargeysa.

Cilmi-baadhistan aqooneed ee uu soo bandhigay Xisbiga WADDANI, ayaa waxa ka soo qeyb-galay Xoghayaha guud ee Xisbigaasi Md.Maxamed Cabdullaahi Uurcadde, qaar ka mid ah hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano, aqoonyahan, odey dhaqameedyo iyo weli ba sida oo kale dhallinyar iyo taageerayaal aad u tira badan.

Siyaasi Cali Sanyare oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa u mahad-celiyey dhammaan ba ciddii ka soo qeyb-qaadatay daraasadda uu soo bandhigay Xisbiga WADDANI, waxaana uu tilmaamay waxyaabaha ay ka hadlayso iyo meelaha ay taabanayso daraasaddaasi isaga oo si gaara carabka ugu dhuftay in deraasaddaasi ay lafo-gurayso noocyada kala duwan ee saldhigyada caalamka iyo saameynta ay ku yeeshaan nabad-galyada dalka.

“Ugu horreyn, waxa aan u mahad-naqayaa labaddii guddi ee Xisbiga WADDANI u xil saaray in ay soo deriso dhibbaatada ka dhalan karta arrinta saldhiga Milatari ee Imaaraadka oo si fiican u soo dhammeystiray, maanta na aynu haysano warbixin dhammeystiran oo dadku ay ku fahmi karaan xaqiiqada ku gedaaman saldhiggan Milatari ee la bixiyey. Warbixintu na waa 34 bog oo bog walba uu ka hadlaayo mawduucyo badan oo waxtar leh, waxaana ay warbixintani iftiiminaysaa, xaqiiqada dhabta ah ee ku xeeran saldhigga ciidan ee Berbera laga bixinaayo iyo dhaxal xumida la helay ee ay kala kulmeen dalalkii hore u marti-qaaday saldhigyo ciidan, waxaana ay lafo-guraysaa noocyada kala duwan ee ay u kala baxaan saldhigyada ciidan iyo saameynta taban ee ay ku yeelan karaan nabad-gelyada dalka, nolosha dalka, siyaasadda, dhaqaalaha, bii’adda iyo deegaanka iyo weli ba fool xumooyinka hore loo diiwaan-geliyey ee ay ku keeni karaan dhaqanka iyo diinta.”.Ayuu yidhi Cali Sanyare

Xoghayaha gaarka ah ee Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Aqoonyahan Maxamed Xasan Dirir oo ka mid ahaa guddidii soo diyaarisay cilmi-baadhistan ku saabsan saldhiga Milatari oo isna halkaas ka hadlay, ayaa saldhiga Milatari ee dawladda Imaaraadka laga siinaayo Berbera ku masaalay qaladkii 1960kii ay gashay Somaliland markii ay ku biirtay dalka Somaliya, waxaana uu tilmaamay in xidhiidhada caalamka ee ka dhaxeeya dawladahu ay yihiin kuwo ku dhisan dano gaara balse aan salka ku haynin jacaylo ay isu qaadaan.

“Qaladkaa ay maanta innoo akhriyeyso xukuumaddeenu, waa qaladkii aynu lixdankii galnay oo kale oo 60kii reer Somaliland waxa ay caashaqeen shantii Somaliya deed na maanta oo ah qarni wax ku dhow ayaan u halgamaynaa siddii aynu uga soo kaban lahayn qaladkii aynu maalintaa 60kii galnay. Maanta na in mar kale la yidhaahdo dal kale ayeynu is jeclaanay meesha kuma jirto, aduunka na dalalka macaamilayaa waxa ay ku macaamilaan waa dano iyo dano is dhaafsi, wax jaceyl la isku siiyaana dunida ma jiraan, qof kastaana waa og yahay in aan dalna dal wax jacayl ku siinin.”.Ayuu yidhi Maxamed Xasan Dirir.

Xoghayaha Duulista WADDANI Aqoonyahan Nuuradiin Diini oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa isna ka hadlay khatarta ka dhalan karta saldhiga Milatari ee Imaaraadka laga siiyey magaalada Berbera, waxaana uu yidhi:“Saldhiga ciidan waa mid salka ku haya dagaalka u dhaxeeya huwanta carbeed ee uu hoggaaminaayo dalka Sucuudiga iyo Xuutiyiinta Yeman oo garab weyn ka helaaya dalka Iiraan. Maraakiibta dagaal ee Imaaraadku na waxa ay xanibayaan marin biyoodka badda cas. Sida oo kale waxa iyagu na iman kara xuduuda baddeena maraakiibta dagaalka ee Iiraan oo taakulo iyo saanad ciidan ku caawiya xuuriyiinta, halkaa na waxa ka dhici kara colaado saameeya ganacsiga u kala goosha badda cas, magaalada Berbera na waxa soo gaadhi kara tuuryada hubka Maraakiibta ee labada quwaddooda isu adeegsanayaan.”.

Madaxa hawl-wadeenada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Aqoonyahan Baashe oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa hoosta ka xariiqay in saldhiggaas Milatari uu saameyn xoogga ku yeelan karo guud ahaan ganacsiga iyo weli ba nolosha dadka reer Somaliland.

“Haddii saldhiggaas la bixiyo oo ciidamadu ay soo degaan, waxa shaki la’aan ah in uu cidhiidhi xoogga gelaayo isu socodkii ganacsi ee ay Somaliland la lahayd dunida inteeda kale, markaa colaad ay Somaliland qeyb ka tahay oo ka dhaca marin biyoodka badda cas ee Somaliland uu u soo maro ganacsigu, waxa ay keenaysaa hoos u dhac ku yimaada isu socodka ganacsiga iyo weli ba maciishadda u iman jirtay Somaliland oo saameyn toos ah ku yeelanaysa dakhligii muwaadinka iyo guud ahaan dhaqaalaha bulshada Somaliland.”.Ayuu yidhi Baashe

Garyaqaan Ex-Wasiir Xuseen Axmed Caydiid oo isna hadlay kana mid ahaa dadkii laf dhabatarta u ahaa deraasaddaas uu soo bandhigay Xisbiga WADDANI, ayaa tilmaamay in gebi ahaan ba ay uu sharci darro ahaa fadhigii wada-jirka ahaa ee Madaxweynaha Somaliland uu iskugu yeedhay labada gole Baarlamaan, waxaana uu yidhi:

“Labada gole ee Baarlamaanku, waxa ay lee yihiin fadhiyo wada-jir ah iyo fadhiyo u kala gaar ah, waxaana fadhiyaddaas caddeeyey labada gole baarlamaan dastuurka jamhuuriyadda Somaliland isaga oo goob walba siiyey awoodo iyo madax-banaani u gaar ah sida ku cad qodobka 38aad farqaddiisa 5aad. Waxaana arrimaha ni ay yihiin kuwa keliya ee labada gole iskugu iman karaan si aynu u aragno fadhigii uu Madaxweynahu la yeeshay labaddaas gole in uu sharci ahaa iyo in kale ba. B. Dhageysiga uu madaxweynahu ka jeediyo furitaanka labada gole T.Marka laga doodaayo in ay Somaliland ku biirto urur goballeedyo ama kuwo kale oo caalami ah ama ansaxinta heshiisyada dabeecad goballeed leh ama mid caalami ah ahba. J. Go’aaminta ama ku dhawaaqidda xaaladaha dagaal marka ay Somaliland la soo gudboonaato xaalad dagaal. Markaa kuwaas iyo kuwo kale ba waxa ay iftiiminayaa in ay sharci darro ahayd fadhigii ay labada gole ku ansaxiyeen nuxurkii heshiiskii la horkeenay.”.

Xoghayaha Maaliyadda Xisbiga WADDANI Ex-Wasiir Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa talooyin wax ku ool ah u soo jeediyey Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxaana uu shacabka ugu baaqay in haddii Xukuumaddu ay qaadan weydoo talooyinkaas loo soo jeediyey in ay difaacdaan shuruucda dalkooda u yaala.

“Xisbiga WADDANI, waxa uu xukuumadda ugu baaqayaa in ay ku soo noqoto xayndaabka sharciga una hoggaansanto talooyinka dalka lagu badbaadinaayo, haddii ay ka dhego adeygto u soo noqoshada sharciga, rabitaanka shacbiga iyo soo jeedimaha, waxa aanu bulshada Somaliland ugu baaqeynaa in ay u hiilayaan sharciga oo ay ka hor yimaadaan sharci darrada lagu xalaaleysanaayo xaraashka hantida ee dalkeena iyo musuqmaasuqa xadhkaha goostay.”.Ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif

Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdullaahi Uurcadde oo isna gebo-gabaddii halkaas ka hadlay, ayaa sheegay: “Guddiyadii kala duwaanaa ee sida fiican nooggu soo diyaariyey warbixintan daraasadda ah ee laga sameeyey saldhiga aad iyo aad baanu idiin ku mahad-naqeynaa ka Xisbi ahaan, runtii na waa warbixin daah furan oo mudan in wixii tallooyin iyo arrimo ee ku jira na in ay Xukuumaddu weelayso oo dalka ka joojiso belaayadan ay u soo walwaalayso.”.Ayuu yidhi Uurcadde.

Halkan ka daawo Baadhis-cilmiyeedka Xisbiga WADDANI ee Saldhiga Milatari:

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa,Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.