Xisbiga WADDANI oo Si Ballaadhan u Soo Dhaweeyey Guddoomiyaha Xisbigaas ee Dalka Mareykanka

Hargeysa – (warsoor) – Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa maanta magaalada Hargeysa si ballaadhan ugu soo dhaweeyey guddoomiyaha xisbiga WADDANI u qaabilsan dal weynaha Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin oo dalka dib ugu soo laabatay.

Waxaana soo dhaweeyey guddoomiye ku-xigeenka xisbiga WADDANI ahna ku simaha gudoomiyaha Md.Axmed Muumin Seed, Afhayeenka WADDANI Xildhibbaan Ibraahim Mahdi Buubaa, xubno ka mid ah hoggaanka, guddida fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, mas’uuliyiinta heer gobal iyo taageerayaal aad u tira badan.

Soo_dhawaynt_Waddani

Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed oo hadal soo dhaweyn ah soo yeediyey ayaa yidhi, “Farxad weyn ayey noo tahay in aanu maanta garoonka diyaaradaha ku soo dhaweyno Marwo Muna Fidhin, waxaana aanu ku boggaadinaynaa doorka firfircoon ee ay ka jirto xisbiga WADDANI, waa shakhsi karti badan oo runtii aad ka dheehan karayseen siddii habbooneyd ee weftigii guddoomiye Cirro ay meel walba oo caalamka Mareykanka ah ay si habsami ah hawlaha ugu wadeen, marka iyada iyo weliba dadkii kale ee kala qeyb-qaateyba waan soo dhaweynaynaa, waana aanu boggaadinaynaa, Marwo Muna na waxa aan lee yahay walaal soo dhawoow, ku soo dhawoow dalkaagii Hooyo”.

gudoomisadda_Waddani_Maraykanka

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI u qaabilsan dal weynaha Mareykanka Marwo Muna Cali Fidhin oo hadal mahad-celina jeedisay ayaa tidhi, “Wan ku faraxsanahay in aan dalka dib ugu soo laabto, waxa kale oo farxad ii ah sida diiraan ee aad ii soo dhaweyseen dhammaantiinba, waana aan idiin ka mahadnaqayaa sida habboon ee madax iyo taageerayaalba aad ii soo dhaweyseen. Runtii xisbiga WADDANI waxa uu dalka Mareykanka uu ku lee yahay Laamo aad u ballaadhan oo qeyb-laxaadle ka ah dar dar-gelinta hawlaha xisbiga WADDANI, runtiina inaga oo gadaal ka kulmi doona wixii  warar ahn wadaagi doona, waxa aan doonayaa in aanan guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan Cirro aanan ka sii car carsheyn hawlahii shaqo ee aanu soo qabanay muddooyinkii ugu dambeeyey ee weftiga guddoomiyahu na la joogay, isaga ayaana fariintii ugu weynayd idiin sida oo ina la wadaagi doona dhammaanteen”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.