Xisbiga WADDANI oo Shir-qool Siyaasaddeed Ku Tilmaamay Xadhiga Ambassador Safina+ Ganacsade Reer Somaliland ah oo ay Ku Eedeeyeen Xadhigaas

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa si adag u cambaareeyey xadhiga xoghayahii Xisbiga WADDANI u qaabilsanaa dawladaha Carabta Ambassador Axmed Safiina oo shalay galabnimaddii loo tabaaxay xabsi ku yaala dalka Kenya, waxaana Xisbiga WADDANI uu xadhigaas ku tilmaamay shirqool loo dhigay isla mar ahaantaana ah cadaawad foggaatay oo ka talowday xuduudaha.

Xoghayaha cadaaladda Xisbiga WADDANI Haldoor Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sidan ku sheegay mar uu la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay jirin wax fal dambiyeed ah oo uu galay Ambassador Safiina.

“Waxa aanu si weyn u cambaareynaynaa xadhiga loo geystay xoghayaha xidhiidhka arrimaha Carabta ee Xisbiga WADDANI Md.Abassador Safiina oo shalay lagu xidhay dalka Kenya, gaar ahaan caasimadda Nayroobi, waxa aynu la wada soconaa in safiina aanay is haynin muwaadin Kenyaan ah sida aanu warka ku helnay, shirkad ganacsi oo Kenyan ahna ismay haynin, hay’ad kale oo dawli ah oo Kenyan ahna ismay haynin, Xisbi mucaarad ama muxaafad ah oo Kenya ka dhisanna ismay haynin , wuxuu ahaa muwaan reer Somaliland ah oo dhalasho Sucuudiga ah wata isla mar ahaantaana ku socday oo safar ku ahaa Kenya oo hawlo gaara iyo kuwo Xisbi ba fulinayey ayuu ahaa, markaa ma garna karayno sharciga meel ay kaga qoran tahay qof safar dal ku ah in la xidho, waxaana aanu dawladda Kenya ugu baaqeynaa in ay muwaadinkaas xoriyaddiisa u soo celiso oo weli ba muwaadin reer Somaliland ah, maadama oo Xukuumad xaqqiisa iyo xurmaddiisa dhowraysaa aanay jirin.”.Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Xirsi

Garyaqaan Barkhad Jaamac Xirsi, waxa sida oo kale uu xusay xadhiga sarkaal kaas ay u tuhunsan yihiin ganacsade reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe uu dhaliilo ujeedinayey Safiina, kaasi oo uu sheegay in uu si toos ah taageero Xisbiga KULMIYE.  “Arrinta kale, xisbi ahaan waxa aanu rumeysan nahay xadhiga muwaadinkaasi in uu yahay shirqool dhagaraysan oo cadaawadeysan oo cadaawad ka baxday xayndaabka Somaliland ah oo meel kasta gelaysa ah oo muwaadinnimaddii iyo qofnimaddii aan la ilaalinayn  cidda ku sal leh ee ficilkaas sameysayna waxa aanu lee nahay in ay tahay dadkii uu isagu maagayey ee ganacsatada ah ee uu ku eedeynaayey inta ay ganacsigii ka yimaadeen in ay siyaasadda faraha la soo galeen oo taladdii Xisbiga KULMIYE iyo mudnaanta ba in ay lee xiyeen  oo marin habaabiyeen, dadkaas ayaanu aaminsanahay in ay runtii xadhigiisa ka dambeeyeen, waxaana aan iyaga ugu baaqeynaa gaar ahaan xukuumadda in dadka noocaas ah ee sawirka ganacsi huwan ee hada na siyaasadda ku milmay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaado, kana adkaysan mayno kana aamusi mayno xaqqa oo waanu ku adimaynaa.”.

Haldoor Barkhad oo ugu dabeyn halkaas ka hadlay, waxa uu codsi u diray dawladda Kenya oo uu ka codsaday in ay muwaadinkaas dib xoriyaddiisa ugu soo celiso.

“Dawladda Kenya na ixtiraam baanu u haynaa , waa dal aanu qiimeynayno, waa dal xidhiidho diblomaasiyaddeed oo fiican aanu rajeynayno in Xukuumaddayadu ay la yeelato, waa dal aanu dooneyno in uu ka mid noqdo hormoodka wadamada Somaliland ictiraafaya, markaa mas’uuliyiinta iyo laamaha amniga ba waxa aanu ugu baaqeynaa in ay muwaadinkaas dib ugu soo celiyaan xoriyaddisii oo la sii daayo muwaadinkaas reer Somaliland.”.

 

Halkan ka daawo warkan:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.