Xisbiga WADDANI oo Qaadacay Guddi Mustanbeeda oo Madaxweynuhu u magacaabay Xalinta Khilaafaadka Guddida Doorashooyinka Qaranka

Hargeysa – (warsoor) – Qaar ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Arbacadan shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga ee magaalada Hargeysa, ayaa si adag u sheegay in aanay aqbalaynin guddi uu madaxweynuhu u magacaabay in mustanbeed ay u noqdaan Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Masuuliyiintan xisbiga Waddani ayaa sheegay in ay aqbaleen xubnaha guddida doorashooyinka qaranka iyaddoo sida ay sheegeen xukuumadda sandursiimo loo siiyey xubno ka badan inta ay xisbiyaddu ku leeyihiin.

Masuuliyiinta ayaa walaac xooggan ka muujiyey qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada oo ay sheegeen in ay Xukuumaddu ku guul-daraysatay in ay bixiso lacagtii qaadhaan ahaan lagu gelaayey doorashaddaasi.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee xisbiga WADDANI:

https://www.youtube.com/watch?v=f5Yu4q9mGAY

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.