Xisbiga WADDANI Oo Deeq Lacageed Ugu Deeqay Iskuulka Farsamada Gacanta Ee Haldoor

Harageysa – (warsoor ) – Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa maanta deeq lacageed ugu deeqay dhismaha iskuul farsamada gacanta lagu baranayo,kaasi oo dhismihiisu ka socda degamada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa,waxaana deeqdaasi ka guddoomiyey ururka dhalinayarad ee Haldoor oo dhismahaasi iyago wadda hirgelintisaa,iyadoo ay Xisbiga WADDANI uga mahad-naqeen deeq ay ugu deeqeen dugsiga farsamada gacanta lagu baran doono ee Haldoor.

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa saaka kormeer ku tegay xarunta uu dugsigan ka socda ee xaafada Maxamed mooge,waxa hoggaaminayey musharaxa Xisbiga WADDANI iyo siyaasi Ismaaciila buub iyo siyaasi Aadan dhoolayare iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xisbiga WADDANI, kuwaas oo kamid ah saraakiisha Xisbiga WADDANI,waxaana kormeerka kaidb saxaafada kala haddlay isla goobta uu ka socda iskuulkan farsamada gacanta lagu baranayo Siysaasi ismaaciil buubaa”Iskuulkan maraya meel wanagasan maraya ee dhakhso  isha allahu u dhamman doona in aanu nimaadno  in guddoomiyuhuna yimaado oo uu la socdo mashruucan qiimaha weyn leh oo uu saani ula socdo, sida aad ogsoontihiina tacliinta gacantu waxay leedahay qiime weyn ayey u leedahay wadanka, ardayda gashana rag iyo dumar-ba wax weyeen qayb siinaysa dadkii doonayey in ay farsamada bartaan iyo dadka doonaya ilaa jamacada in ay socdaanba iskuulkaasi wax weyn ayuu u tarayaa,waxa laga yaabaa  in uu soo saaro kolkaasis ma-aha  wastaaddada iyo nijaarada uu wadanku u baahanyahay,lakiin’se dadka dayuuradaha sameeya ee jaamacada iyagoo oo tacliin hoose oo mihiim ah oo tacliin gacmeed qaatay, dabadeedna tacliintee kala inta ay ku darsadaan dadka runtii wax weyn ka qabtay wadan walba horumarkiisa weeyaan iskuulkan, ururka haldoor ee aasasay qoondee.

Siyaasi ismaaciil buubaa oo haddalkiisa siiwata ayaa yidhi “Dowlada waddani waxay ku dhaqaaqi doontaa runtii in ay aad iyo aad culayskeeda u saarto iskuuladan oo kale ,waxaanu ugu busharaynayaa ururka haldoor haddi ay dowlada waddani  xukunat hadday timaado in ay aad iyo aad ula  shaqayndoonto iskuulkan iyo kuwa lamid ka ahba.

1

Dhanka kalena waxa isna halkaasi ka haddlay musharax madaxweyne ee Xisbiga WADDANI C/raxmaan Cirro waxaanu ku bilaabay ”Marka hore waxaan u mahad-naqayaa guddoomiyaha iyo dhammaanba xubnaha ururka haldoor eek u dhiiraday iskuulka intaas lee gee aynu dhex joogno ee dhismihiisu halkaa taaganyahay in ay u badheedhaan iyagoo dhalinyarad ah iyagoo  tijaar ahayn,waxay ina tusinaysaa taasu dadku markay niyada la yimadaan waxay qabsan-karaan,markaa waxaan ku dhiirigelinayaa dhammaan dhalinyarada Somaliland in ay ku daydaan oo ay tusaale  fiican u yihiin dhalinyarad haldoor”Ayuu yidhi Cirro.

Gunaanadkii Musharax C/raxmaan cirro ayaa halkaasi kaga dhawaaqay isla markaana isla goobta ku wareejiyey deeq lacageed oo uu Xisbiga WADDANI kaga qayb-qaadanayo dhismaha iskuulkaasi“Waxaanu jeclay in aanu ka soo horayn hadda, haddii aanu nahay xisbiga WADDANI guud ahaan oo ay dadku waxay qabsadeen aanu indhahayaga ku soo aragno,waxaanu jecelnahay in aanu qaadhaan yar ku darno iskuulkan ee ka badanina wuu soo socdaa, maanta waxaanu ku daraynaa lix kun oo dollar, dhammaan taageerayaashayada  waxaanu ugu baaqaynaa in ay gacan soo siiyaan iskuulkan hadda iyo haddi uu iskuulkan dhismihiisu dhammaado-ba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.