Xisbiga WADDANI oo Dalka Ku Soo Dhaweeyey Xildhibbaan Ka Tirsan Baarlamaanka Yurub oo Somaliland Kala Shaqeeya Ictiraaf Raadinta

Hargeysa – (warsoor) – Mas’uuliyiin ka tiransan Xisbiga WADDANI iyo sida oo kale qaar ka mid ah xildhibbaanada Baarlamaanka Somaliland, ayaa maanta si diiran u soo dhaweeyey wefti ka socda dalka Ingiriiska oo iskugu jira xildhibbaano ka tirsan baarlamaanka Yurub iyo weli ba xisbiga dimuqraadiga ah ee UKEB ee dalka Ingiriiska, ku waasi oo xidhiidho saaxiibtinimo oo dhow la leh  sida oo kale na qadiyadda Ictiraaf raadinta uga dhex dooda Baarlamaanka Yurub iyo weli ba sida oo kale gudaha dalkaasi Ingiriiska.

12

Booqashada weftigan reer Ingiriis, ayaa wax aka dambeysay Waxaana xildhibbaanadan ku soo dhaweeyey dalka, xoghayaha arrimaha dibadda Xisbiga Dr.Maxamed Cismaan Fadal, la taliyaha arrimaha dibadda ee guddoomiyaha WADDANI Marwo Faadumo Siciid, xildhibbaan Rayte iyo weli ba xildhibbaan Cabdiraxmaan Rayte.

Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal oo socdaalka weftigan uga warbixiyey warbaahinta, ayaa waxa uu yidhi,”Waxa aan halkan ku soo dhaweynaynaa wefti ka socda baarlamaanka Yurub oo ah qolada hada iyo jeer u dacwoota ee u hadasha Ictiraafka Somaliland ahna qolada baarlamaanka Yurub uga dhex hadasha, weftigani waxa uu daba socdaa socod sannad gudahiisii guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo weftiga inta halkan maraysa ee weftiga soo dhaweynaysa iyaga oo la socda guddoomiyaha ay la kulmeen, markii dambe na u tagay baarlamaanka Yurub oo uu hoggaaminaayey xubin ka mid ah baarlamaanka Yurub James Karver oo sida oo kale na ka tirsan Xisbiga UK iyo Steve adkens oo isna xisbigaas ka tirsan oo labaddoodu ba na ay yihiin saaxiibo ay lee yihiin Somaliland, marka waxaana ay innoogu yimaadeen Baarlamaanka Somaliland oo casuumay, guddoomiye Cirro iyo xildhibbaanada baarlamaanka ee halkan jooga ba, marka sidaas ayaan ku soo dhaweynaynaa in ay ina la arkaan Somaliland, sida oo kale na ina la raadiyaan Ictiraafka Somaliland, imika na saddex maalmood ayey ina la joogayaan oo ay u kuur-gelayaan sida ay wax yihiin”Ayuu yidhi Dr.Fadal

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.