Xisbiga WADDANI oo Billaabay Qaadashada Kaadhka Xubinimada Golaha Dhaxe ee WADDANI

Hargeysa – (warsoor) – Qaadashada kaadhkii xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI isla mar ahaantaana lagu galaayey shirweynaha golaha dhaxe ee Xisbigaasi oo la filaayo in uu 19ka bsihan ka qabsoomo magaalada Hargeysa, ayaa maanta si habsimi ah uga billaabmay Xarunta Dhaxe e Xisbiga WADDANI ku lee yahay Hargeysa.

ciro

Qaadasada kaadhka xubinimada oo maanta lagu billaabay xubnaha hoggaanka Xisbiga WADDANI iyo qaar ka mid ah xoghayeyaasha Xisbigaasi, ayaa waxa saaka aroornimaddii hore kaadhkiisii xubinimada si caadi ah u qaatay guddoomiyaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), waxaana uu sheegay in uu si aada ugu faraxsan yahay in ay maanta qaataan kaadhka xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI.

“Maadaama oo uu innagu soo dhawaanayo qabashaddii shirka golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI in wakhtigan maanta la bilaabo bixinta kaadhka xubinimada xisbiga ee golaha dhaxe oo weli ba maanta laga billaabay hoggaanka ama mas’uuliyiinta iyo madaxda Xisbiga WADDANI, dhammaan xubnahu na halkaas aanu marayno uun bay wada mari doonaan, qof walba na sawir baa laga qaadi doonaa kaadhna waa loo sameyn doonaa, kaadhkaasi na waxa uu noqon doonaa kaadhkii rasmiga ahaa ee xubnaha golaha dhaxe ee shirka imanayey. waxa aan rajeynaynaa isha Allah in hawshaasi ay wakhtigeedii ku dhammaato shirweynaha ka hor, markaa dhammaan xubnahu na sidaas ha ula socdaan, waana loo sheegi doonaa”, ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye ku xigeenka WADDANI Md.Axmed Muumin Seed oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay qaadashada Kaadhka Xubinimada Golaha Dhaxe. “Waxa noo farxad ah in aanu saaka qaadano kaadhkii xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI, oo runtii aanu ku faraxsan nahay in aanu maanta billaabno oo taasi na ay muujinayso in aynu maalin ba maalinta ka dambeysa aynu ugu sii dhawaanayno qabashada shirkii golaha dhaxe oo hada muddeysan, aad iyo aad baana aan ugu faraxsan nahay in ay hawshaasi ay innoogu dhammaato si farxadle”.

Dr.Maxamed Xaaji Cali oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu yidhi:”Maanta waxa si wanaagsan noogu billaabantay qaadashada kaadhkii xubinimada golaha dhaxe ee Xisbiga WADDANI oo dhawaan la qaban doono shirkii golaha dhaxe, isha Allah Alle na waxa aanu ka baryeynaa in uu si fiican innoogu dhammaado”.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.