Xisbiga WADDANI oo Barakacayaasha Duleedka Salaxlay Gaadhsiiyey Deeq Iskugu Jirta Geel Qalniin ah iyo Booyado Biyo ah

Salaxley – (warsoor) – Murashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ay wehelinayaan saraakiil sare sare oo ka tirsan Xisbigaasi, ayaa deeq iskugu jirta biyo iyo weli ba laba neef oo Geel ah oo la qalaayo gaadhsiiyey dadka barakacayaasha ku ah duleedka magaalada Salaxley oo ay soo haleeshay abaartii darneyd ee wakhtiyadii dhawaa ka dhacday dalka.

Murashax Cirro oo uu weheliyo Jiif Caaqil Rashiid Jaambiir, ayaa markii uu halkaas gaadhay, waxa ay dadkaas danyarta ahi ku soo dhaweeyeen gacmo iyo qalbi furan iyaga oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada ay weftigaasi ugu yimaadeen dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo isna dhankiisa la hadlay, ayaa sheegay in maanta ay u tahay maalin taariikhi ah maadaama oo uu guryahooda ku soo booqday dad danyarta oo ka soo qaxay abaarahii dalka ka dhacay, waxaana uu cod dheer ku sheegay in ka xisbi ahaan ay mar walba diyaar u yihiin siddii ay garab u la noqon lahaayeen dadka danyarta ah isaga oo sheegay in maanta ay ku deeqayaan Laba neef oo GEEL ah oo uu sheegay in loo qalo isla mar ahaantaana hilib ahaan looggu kala qeybiyo dadkaas danyarta ah iyo weli ba sida oo kale shan booyaddood oo biyo ah oo iyaga na uu ugu tallo galay in ay isticmaalaan dadkaasi.

Qaar ka mid ah dadkaas danyarta ah oo iyagu na la hadlay, ayaa ka mahad-celiyey deeqdaas uu soo gaadhsiiyey cabdiraxaman Ciro iyaga oo ugu duceeyey in Alle u fududeeyo waxa uu doonaayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.