Xisbiga WADDANI oo Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqadda Baashe Yuusuf U Magacaabay Jago Cusub

Hargeysa – (warsoor) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Somaliland Baashe Yuusuf Axmed u magacabaay Madaxa hawl-wadeennadda xisbiga Waddani.

Digreetan lagu magacaabay Baashe Yuusuf Axmed oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa nuxurkeedu u dhignaa sidan:

“Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 03 December, 2016 u magacaabay in Md. Baashe Yuusuf Axmed noqdo Madaxa Hawl-wadeennada Musharaxa Xisbiga WADDANI (Chief of Staff).

Waxanu Ilaahay ka baryeynaa inuu ku soo kordhiyo Xisbiga WADDANI fikrado wax-ku-ool ah iyo inuu ku soo biirin-doono waayo-aragnimadiisa iyo khibradiisa u gaarka ah. ALLAA MAHAD LEH.

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI.”

baasheBaashe Yuusuf Axmed oo ka mid ahaan jiray xisbiga KULMIYE kana mid ahaa golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa xisbigaasi ka baxay dhawaan. Md. Baashe Yuusuf Axmed waxaa uu ka mid ahaa dhalinyaradii madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo u magacaabay Agaasimayaasha Guud sanaddii 2010.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.