Xisbiga UCID Oo Qabsaday Xaflad Lagu Dar-Dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Ee Hargaysa .

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga UCID ayaa Xaflad balaadhan ku qabsaday Scandanivian Hotel Ee Magaalada Hargaysa.

Xafladdan ayaa ahayd mid lagu dar-dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, Sidoo kalena loogu diyaar-garoobayo qaadashada kaadh-ka cod-bixiyayaasha Doorashada Dalka Somaliland.

Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maasuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga, Dhalinyarada Xisbiga Ee Degmooyinkaasi, Haween, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, iyo taageerayaal Tiro-badan.

Xubno ku hadlayay Dhalinyarada Xisbigaasi UCID Ee Degmooyinkaasi ayaa tilmaamay taageerada laxaad-ka leh ee ay Xisbiga u hayaan, iyo sida aan la isku bar-bar dhigi Karin Murashax Eng Fasyal Cali Waraabe iyo Murashaxiinta kale ee Xisbiyada kale.

Sidoo kale waxay ku booriyeen Taageerayaasha Xisbiga UCID in ay qaataan kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha si ay ula tartamaan dhigooda kale ee Xisbiyada.

Dhalinyaradan oo khudbado taarikhiya madashaasi ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday tacabka uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe Gashaday Dalkiisa, iyo sida aanu maalin iyo habeen-ba uga daalin ka shaqaynta Danaha   Qaranka Somaliland, Iyagoo Xusay dadaalo badan oo uu dalka ka gaystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Ugu danbayn Dhalinyaradani waxay sheegeen in Murashaxa Faysal Cali Waraabe Yahay Hogaamiyaha maanta ku haboon in uu qabto Talada Dalka Somaliland.

Waxaa Gunaanadkii Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu u mahad-naqay Dhalinyaradii Sama-doon, Ururadii Gobolka Awdal Ee Xisbiga ku soo biirayay Todobaadadii ugu danbeeyay,  Sidoo kale waxaa u mahad-naqay Dhalinyarada Fir-fircoon Ee Xisbiga UCID ee Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamed Haybe ee dadaal-ka Muujiyay.

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu taageerayaasha UCID ugu baaqay in ay qaataan Kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland ku qasbi-doonaan in uu sameeyo dawlad dhex ah, haddii ay wasiiradu joojin-waayaan ololaha Muuse Biixi ay ugu jiraan ee ay kaga mashquuleen Hawlihi qaran ee loo igmaday.

Xafladdan  oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay Jawwi Degen oo farxadi ku dheehantahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.