Xisbiga UCID Oo Maanta Xaflad Soo Dhawayn Ah Magaalada Hargaysa Ugu Sameeyay Ururada HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID

Hargeysa – (warsoor) – Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaasha laxaad-ka leh ee UCID ayaa maanta ka dhacday Hargaysa.

Waxaana xafladdan lagu soo dhaweenayay, Xisbigana ku soo biiray ururada ugu miisanka culus ee ka dhisan Caasimadda Hargaysa oo kala ahaa, Haldoor, Samo-talis iyo iftin.

Xafladdan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madaxda sare ee UCID oo uu hogaaminayay Murashax Faysal Cali Waraabe, Madaxda Ururada cududooda ku soo biirayay xisbiga, Xubnaha garabbada haweenka iyo dhalinyarada, Odayaal, Waxgarad iyo taageerayaal tiro-badan.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee UCID Mudane Maxamed Aadan, waxaanu gacmo-furan ko soo dhaweeyay taageerayaasha iyo madaxda ururada, waxaanu cod dheer ku sheegay in Murashax Faysal Cali Waraabe yahay muwaadin dalku u baahanyahay.

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay Madaxda ururada ku soo biiray Xisbiga UCID ee kala ah HALDOOR, IFTIN Iyo SAMO-TALIS, Waxaanay si isku mid ah carrabka ugu adkeeyeen in sababta ugu wayn ee ay xisbiga UCID ugu soo biireen tahay in xisbiga UCID yahay xisbi qaran oo aanu ahayn xisbi ku suntan qabyaalad, waxaanay jeediyeen khudbado ku tacalluqa qiimaha qaranimada, iyo dhibaatada qabyaaladuu leedahay, iyagoo dul istaagay sida qabyaaladdu u riftay wada jirkii dalka iyo sida ay u curyaamisay horumarka umadda Dalka Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.