Xisbiga UCID Oo Maalintiisii 4aad Ololaha Doorashadda Goboladda Somaliland Ka Dhigay

Berbera – (warsoor) – Xisbiga Mucaaridka ee UCID oo shalay ay ku beegneyd maalintiisii 4aad ee ololaha doorashadda madaxtooyadda ee dalka ka socda Saddexda Xisbi qaran ee Kulmiye, Waddani iyo UCID  mudada 21-ka maalmood ah ay maalintirsiga ugu jiraan Kaambeynkooda, ayaa   dhamaan 6-da gobol iyo Degmooyinka hoos yimaada ka Jamhuuriyadda Somaliland isku soo baxyo ay taageerayaashiisu barxaddaha fagaarayaasha magaalooyinka ku sameeyeen.

Xisbiga Caddaaladda iyio Daryeelka ee Mucaaridka  UCID, ayaa guud ahaan Somaliland ka sameeyey maalintiisii 4aad ee ololaha doorashadda Madaxtooyadda Somaliland, waxaana Shalay Murashaxiinta doorashadda Madaxtooyadda iyo Madaxda ugu saraysa Xisbiga UCID oo ay ka mid ahaayeen Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Pro Axmed Cabdi Muuse (Abyan), Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe , Xoghaye ku xigeenka Guud ee Xisbiga Mucaaridka UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodox, Guddoomiyaha Kaambeynka ee Xisbiga Mucaaridka UCID En.g Axmed Guuleed Xirsi, Guddoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex, Xoghayayaasha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Goboladda iyo Degnooyinka, Guddoomiyayaasha Heer Qaran ee Dhalinyarta iyo Haweenka Xisbiga UCID, ay  Kumanaan taageerayaasha Xisbiga UCID ah kagala qaybgaleen isku soo baxa ololaha doorashadda oo ka qabsoomay  Beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa halkaasi oo ay soo buux dhaafiyey taageerayashu, waxaana  halkaasi khudbado kala duwan uga jeediyey taageerayashooda isla markaana waxay fariimo adag uga diray Madaxda labada Xisbi ee dhigooda Kulmiye iyo Waddani oo ay uga digeen inay ka joojiyaan arimo fasahaad ah oo ay ololaha doorashadda ay bulshadda cod kaga doonayaan.

Guddoomiyaha Kaambeynka ee Xisbiga Mucaaridka UCID En.g Axmed Guuleed Xirsi oo ugu horeyn fagaaraha beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa kula hadlaayey Kumanaanka taageerayaasha Xisbiga UCID ee soo buux dhaafiyey halkaasi waxa uu yidhi “Dhamaan Taageerayaasha reer Somaliland ee goboladda dalka ku debeel degaaya waanu u mahadcelinaynaa, Barnaamijka wax qabadka Siyaasadda ee Xisbiga UCID waa in aanu daryeelo dadka naafadda ah, waa in aynu daryeelo caruurteena yar yar , waa in aynu daryeelo haweenka, waxaasi oo dhami waxay ka mid yihiin macnaha kelmadda xisbiga Caddaaladad iyo daryeelka ee UCID, runtiina labada kalemaddood ee caddaaladda iyo daryeelka hadii aynu nidhaahno aynu maanta oo dhan sharaxno maanta oo dhan ka gudbi meyno, marka waxaan shacabka reer Somaliland meel ay joogaanba ugu bushaareynayaa in labada kelmaddood ay yihiin kuwa qeexaaya barnaamijka waxqabadka ee Murashaxa iyo murashax ku xigeenka Xisbiga UCID yihiin kuwa qeexaaya”

Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Mucaaridka UCID Pro Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo isaguna Beerta Xoriyadda Hargeysa Taageerayaasha Xisbiga UCID kula hadlaayey waxa uu yidhi “Xisbiyadda waxa looga baahan yahay in aynu nabadgelyadda ilaalino, Somaliland waxay haysato maanta waxa ugu qaalisani waa nabadgelyadda wax kasta oo kale Ictiraaf la’aan , faqri, shaqo la’aan baahday ,musuq maasuq iyo eex , waxaasi oo dhan oo jira hadana waanu noo lahay, waynu soconaa oo noloshu way socota, laakiin nabadgelyo daro hal maalin loo ma adkaysan karo, labada xisbi ee kale siday wax ku wadaan, hadii sida lagu gaadho oo loogu tago maalinta doorashadda ee codbixinta ee 13-ka Nomber dalka ka dhici doonta dee ma saadaalin karo waxa dhici kara, Xisbiyadda kale iyo taageerayaashooda waxaan leeyahay nabadgelyadda ilaaliya dhaqanka wanaagsan ee aynu ku socono yaan la xumeyn ee doorasho amni ku dhacda ayaa inoo wada dan ah ee aynu nabadgelyadda iyo habsami u socodka doorashaddeena ilaalino oo wada ilaashano dhamaanteen reer Somaliland hadii aynu nahay”

Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Mucaaridka UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo ugu dambeyntii Kulmanaanka Taageerayaasha Xisbiga UCID Beerta Xoriyadda ee Caasimadda Hargeysa Khudbad uga jeediyey waxa uu yidhi “Walaalayaal anigu waxaan u imid dalkan in aan dad idinka dhigo oo aan Somaliland soo celiyo oo sharaftii Somaliland aan soo celino, qaranimaddeenii soo celino nay la ictiraafo  halkaynu dunidda kaga jiray la soo noqono, aynu dhisno waddan la yidhaahdo Somaliland Greate, in aynu mar kale dhisno Somaliland oo ah Jamhuuriyad xoogan oo ku dhisan caddaalad iyo sinaan oo nidaam leh oo sharci ku dhisan in aanu keeno ayaanu dooneynaa Ishaalaahu tacaala, Cabdiraxmaan Cirro muxu inagu darsaday ee uu maanta doonayaa Kursi ayaan aadyar saaray, kursigiina wuu xumeeyey, qofku waa in uu umadda wax gashadda, laakiin reer ayaan wataa iyo Jeegaan ayaan abuuray iyo Giraan ayaan abuuray dalka lagu ma xukumo walaalayaal, waa lagu arkay waa lagu tijaabiyey 12 sanno ayaad kursiga haysay , waad seexatay waad hamaansatay , waad feedhtanay…, Muuse Biixi-na waxaan leeyahay walaal Muusoow Jaaniskaagii maaha maanta, jaaniskaagii wuxu ahaa maalintii dalka la xoreeyey ee SNM waddanka qabsatay ee anaguna aanu iska shaqaysaneynay ee aanu dibadda iska joognay inay maalintaasi dalka maamusho ayey ahayd, waydinkii maamuli kari waayey waydinkii isqabsaday waatii cigaal la keenay waakii Cigaal dalka dejiyey, Rikoodhkaagu Muusoow waxaan leeyahay intii dalka la xoreeyey ka dib waa Siiroo”

Ugu dambeyntii Madaxda heer gobo lee Xisbiga UCID, ay fagaarayaal kala hadleen taageerayaasha magaalooyinka Awdal, Laascaanood, Ceerigaabo, Burco, Baligubaddle, Sallaxlley, Ceel-Afweyn iyo guud ahaan deegaanadda kala duwan ee dalka ayey taageerayaasha xisbiga UCID isku soo baxyo ay ku muujinayaan taageeradda ay xisbigooda la garabtaagan yihiin doorashadda madaxtooyadda magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka ku sameeyeen, iyada oo ay khudbado kala duwan u jeediyeen madaxda iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo ee Xisbiga UCID kuwaasi oo dhaliilo u jeediyey qaabka ay ololaha doorashadda u galayaan Xisbiyadda Kulmiye iyo Waddani oo ay ugu baaqeen inay anshaxa doorashooyinka dhawraan iyaga oo bulshadda reer Somaliland madaxda UCID ugu baaqday inay codkooda ugu hiiliyaan xisbiga caddaaladda iyo daryeelka ee UCID oo ay hoosta ka xariiqeen mid u taagan midnimadda qaranka Somaliland ee UCID iyo sinaanta bulshadda Somaliland in uu yahay xisbigu.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.