Xisbiga Kulmiye Oo Soo Gebogebeeyay Kulan Uu La Qaadanayay Garabka Haweenka

Hargeysa – (WARSOOR) – Hoggaanka Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye ayaa soo gebogabeeyay kulan uu la qaadanayay guddiyada garabka haweenka ee gobolka Maroodijeex.

Waxaana kulankaasi lagaga hadlaayay sidii loo dardargelin lahaa hawlaha shaqo ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye isla markaana loogu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka soo socda, waxaana goobjoog ka ahaa xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Ibraahin Axmed Raabbi, guddoomiyha Xisbiga Kulmiye ee gobolka Maroodijeex Cabdiraxmaan Haarriye, xoghayaha garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye Sahra Cawil iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda xannaanada xoolaha iyo horumarinta kalluumaysiga Somaliland Marwo Yurub Abiib Cabdi. Waxa sidoo kale kulanka goobjoog ka ahaa xubno ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye iyo qaar ka mid ah taageerayaasha Xisbigaasi.

Waxaana mas’uuliyiintii goobta ka hadashay ay ku ammaaneen haween weynaha xisbiga Kulmiye kaalintii muuqatay ee ay ka qaateen doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka ka dhacay sannadkan iyo guushii ay kasoo hooyeen doorashadaasi gobolka Maroodijeex, waxaana kulanka oo ka dhacayay xarunta Xisbiga Kulmiye ee magaalada Hargeysa lagaga hadlay sidii loo dardar gelin lahaa hawlaha shaqo ee xisbiga iyo sidii ay kaalin muuqata ay u qaadan lahaayeen haween weynuhu.