Xisbiga KULMIYE Oo Soo Dhaweeyey Taageerayaal Ku Soo Biiray

Hargeysa (warsoor) – Beelaha Cismaan Xuseen (Xuseen Abokor/Sacad Muuse), ayaa taageero xoog leh oo hiil iyo hoo ah ku biiriyey xisbul-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE iyo murrashaxiintiisa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).

Xaflad ballaadhan oo lagu qabtay huteelka Crown ee magaalada Hargeysa maanta oo ay isugu yimaadeen madaxdhaqameedka, cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, dhallinyarada, haweenka iyo waayeelka beelaha Cismaan Xuseen, ayaa lagu soo bandhigay taageerada ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa oo uu goob-joog ka ahaa Murrashax Muuse Biixi Cabdi oo ay madaxdhaqameedka iyo odayaashu beeshu ku wareejiyeen 10 baabuur iyo 35 guri oo ay ugu talogaleen in loogu shaqeeyo xisbiga waqtiga ololaha doorashada Madaxtooyadu socdo.

Madaxdhaqameed iyo odayaal badan oo ay ka mid yihiin Chief Caaqil Caydiid Xaaji Muuse, Caaqil Cabdi Muxumed, Oday Cabdi Aw Jaamac iyo Oday Cumar Cabdillaahi Buuni oo khudbado ka jeediyey madasha, ayaa dhammaantood caddeeyey in ay beeshoodu yar iyo wayn taageero hiil iyo hooba ah la barbartaagan yihiin xisbiga KULMIYE oo ay horeba u taageeri jireen, iyagoo xusay in xalka qaranku xilligan ku jiro doorashada Murrashaxiinta KULMIYE Md. Muuse Biixi iyo Md. Cabdiraxmaan Saylici.

Suldaanka Guud ee Beelaha Cismaan Xuseen Suldaan Xasan Sul. Xiis Barre, ayaa isna soo dhaweeyey go’aanka taageero ee beeshiisu ku qaadatay inay garab istaagto xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiintiisa, gaar ahaan Murrashaxa Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi, isla markaana uu isna ku raacay arrintaasi.

Marwo Ugaaso Cabdi Shoodhe (Magaalo Ugaaso) iyo xubno kale oo haween iyo dhallinyaraba isugu jira, ayaa iyaguna halkaas ka ballanqaaday inay si laxaad leh oo mutadawacnimo ah uga qaybgali doonaan ololaha xisbiga KULMIYE ee dalka si uu xisbigu mar kale guul uga soo hooyo uu ku hoggaamiyo waddanka.

Aqoonyahanno ay ka mid yihiin Maxamed Cali Bile iyo Siciid Maxamed Jaamac iyo weliba xubno kale oo siyaasiyiinta beesha Cismaan Xuseen ka mid ah, ayaa iyaguna hadallo ay ka jeediyeen xafladda uga mahadceliyey beeshooda sida ay u muujiyeen taageerada xisbul-xaakimka KULMIYE oo ay xuseen inay iyagana hiil u tahay, xisbigana guul u tahay.

Xubno ka mid ah saraakiisha xisbiga KULMIYE oo ay ka mid yihiin aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen iyo Mustafe Cartan, ayaa iyaguna soo dhaweeyey taageerada ballaadhan ee xisbiga KULMIYE ka helay beelaha degaanno badan oo Gobolka Maroodi-jeex ka mid ah, waxaanay kula dardaarmeen taageerayaasha KULMIYE inay u hagar-baxaan sidii ay codkooda ugu hubsan lahaayeen murrashaxiinta KULMIYE maalinta cod-bixinta.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey xafladda, ayaa dareen farxadeed iyo mahadnaq ballaadhan ka bixiyey taageerada miisaanka leh ee isugu jirta hantida iyo codka ee ay u hibaysay beelaha Cismaan Xuseen, waxaannu si gaar ah u tilmaamay gaadiidka iyo guryaha lagu wareejiyey oo ku tilmaamay tallaabo ay beeshu hormood uga noqotay deegaannada Gobolka Maroodi-jeex.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.