Xisbiga KULMIYE oo ku soo Dhaweeyey Hargeysa Prof. Axmed Ismaaciil Samatar

Hargeysa – (warsoor) – Masuuliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, ayaa soo dhaweeyey Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo ka mid ah xisbiga oo dib ugu soo laabtay dalka kadib hawlo shaqo oo uu ugu maqnaa dalal dibadda ah.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer Qaran Md. Cabdi-najax Siyaad, Wasiirro uu ka mid yahay Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Md. Cali Xaamud Jibriil, masuuliyiin iyo saraakiil ka kala tirsan KULMIYE iyo xukuumadda, xildhibaanno, salaadiin iyo dadweyne kale, ayaa ku soo dhaweeyey Prof. Samatar madaarka diyaaradaha ee Hargeysa oo uu ka soo digay maanta, waxaanna masuuliyiinta soo dhawaynta hoggaaminayey, ayaa hadallo ay ka jeediyeen madasha qaabilaadda waxay si kal iyo laab u soo dhaweeyeen aqoonyahan Samatar.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Cabdi-Dheere), ayaa ku soo dhaweeyey Prof. Samatar dalkiisa, waxana uu shaaciyey inay gudo geli doonaan hawlihii xisbiga iyo dardar-gelintooda oo uu qayb muhiim ah ku leeyahay aqoonyahanka.

Wasiirka Xidhiidhka Golayaaasha iyo Tiknoolajiga Md. Cali Xaamud Jibriil, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inuu aqoonyahanku mar kale dib ugu soo noqday dalkiisa, waxaannu yidhi, “Aad baanu u soo dhaweynaynaa Prof. Samatar oo muddo kooban innaga maqnaa, waanan ku faraxsanahay inuu soo laabto oo uu hawlihii xisbiga iyo shaqadiisiiba hore ka bilaabi doono”.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah madaxdhaqameedka kasoo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa hadallo kooban oo soo dhaweyn iyo qiimaynta aqoonyahan Samatar isku jira halkaas ka jeediyey, “Aqoonyahanku muddo yar buu inagaga maqnaa hawlo dalka, dadka iyo xisbigaba dan u ah, dalkuna wuu kuu baahan yahay, waxtarkaaga iyo waxqabadkaagana waanu u baahanay oo diyaar baanu u nahay,” ayuu yidhi Suldaanku.

Ugu dambayntii, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo isaguna halkaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyey soo dhaweynta iyo ixtiraamka loo muujiyey, waxaannu  muujiyey sida uu uga damqanayo xaallada abaareed ee dalka ka jirta, isaga oo umaddana ka codsaday inay dadka jilicsan u gurmadaan, waxaannu yidhi, “Waxaan hambalyo u dirayaa dadka reer Somaliland oo iyagu wax walba ka mudan, marka labaadna waan ogahay in abaaro foolxumi ay waddanka haystaan oo dhul badan ay biyuhu ku yar yihiin, ummadduna waa inay dadka marba halkii ugu liidata ka war hayaan, aniguna ma ilaawin dadkii ugu soo dhaweeyey dhulkaas abaaruhu ka jiraan, wasiirrada, dhallinyarad xisbiga iyo hoggaanka xisbigana waan uga mahadnaqayaa sida ay ii soo dhaweeyeen.”

Imaanshiyaha Prof. Samatar, ayaa kusoo beegmaya xilli uu xisbiga xisbiga KULMIYE oo uu isaguna ka mid yahay wado dadaalo iyo dardargelin ballaadhan oo ugu diyaar garoobayo doorashada madaxtinimada ee dalka ee u qorshaysan 28/03/2017-ka, taas oo uu ku rajo weyn yahay inuu guul ballaadhan kasoo hoyn doono.

DAAWO: Muuqaalka soo dhawaynta Prof Samatar

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.