Xisbiga KULMIYE oo ku Dhawaaqay Taakulo uu kaga Qaybqaadanayo Gurmadka Abaarta Gobollada Bari ee Somaliland

Hargeysa –  (warsoor) – Xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ayaa ku dhawaaqay taakulo uu kaga qaybqaadanayo gurmadka abaarta daran ee ka jirta gobollada bariga dalka oo ay saamayn xun ku yeelatay dadkii iyo xoolihiiba.

gaafaadhi

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga maanta, ayaa shaaciyey in saddex boqol oo (300) booyadood oo biyo ah oo xisbigu ugu talogalay inay gurmadka lagu samato-bixinayo dadka iyo xoolaha abaartu taabatay.

Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in xisbiga iyo xukuumaddiisa talada haysa oo isku mid ahi ay wadaan dadaal loogu gurmado dadka ku tabaalaysan deegaannada abaartu saamaysay, waxaannu yidhi, “Iyada oo gacanta xisbiga KULMIYE iyo gacanta xukuumaddu isku mid yihiin haddana waxaanu is nidhi calaamad xisbiga ah ka geystay abaaraha dhacay, waxaanuna bariga waddanka u dirnay 300 booyadood, waxaanuna ugu talogalnay dhulkii dadku u hayaameen ee waxoogaaga roobka ahi ka da’ay iyo dadkii kici kariwaayey ee halkoodii abaartu ku heshay ka kici kariwaayey, waxaanay taasi qayb ka tahay dedaalka xukuumaddu ugu jirto inay wax gaadhsiiso dadkaas ku tabaalaysan bariga waddanka.”

Afhayeenku waxa uu tilmaamay sida loogu baahan yahay in xukuumadda lagu taageero dedaalka ay ugu jirto taakulaynta dadka tabaalaysan, waxaanuna intaas ku daray in xukuumaddu wado qorshe ballaadhan oo ay ku hawlgelinayso dhammaanba hay’adaheeda, “Wixii wax bixin karayaa waa inay ku taageeraan xukuumadda sidii waajibkaas qaran ee maanta degdega ah ee ina dul fuulay loo dabooli lahaa ilaa inta la kari karayo, dawladduna waxay ku jirtaa qorshe ballaadhan oo ay ku hawlgelinayso xubnaha wasaaradaha in wasaarad waliba wixii ay ku beegan tahay ay ka geysato haddii ay caafimaadka xoolaha tahay iyo haddii ay midka dadka tahayba,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu xusay baahida loo qabo in la mideeyo waxtarka deegaannada abaarta loo qoondeeyey, si meesha looga saaro in hanti badan oo waxtari lahayd maamul-xumo ku lunto, waxaannu yidhi, “Waxa loo baahan yahay in wixii dadkaas la tarayaa ay wax habaysan oo hagaagsan ahaadaan, haddii gacmo faro badan ay midiba meel ka bixisana waxa dhacaysa in hanti badan oo loo baahnaa ay siyaabo khaldan u baxdo, dawladduna waxa uu dedaalkeedu yahay in wax allaale wixii gurmad ah ay iyadu hoggaanka u qabato, intanina waa intii inta la sugayo in qorshe midaysan xukuumaddu ay keento wixii cid wax gaadhsiin kartaa ay gaadhsiiso.”

Dhinaca kale, Afhayeenka xisbiga KULMIYE waxa uu baaq u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland gudo iyo dibadba iyo cid kastoo gacan ka gaysan karta in loo gurmado dadka abaartu saamaysay, “Bulshada reer Somaliland ee ganacsatada ah waxaan leeyahay maanta waxtarkiinii iyo sekadiiniiba waa loo baahan yahay, maalin ay sekadu ka wanaagsan tahay meel ka baxdo dadka ay abaaruhu haystaana ma jirto, waxaanay u soo jeedinayaa inay gacan midaysan ka geystaan wixii ay kari karayaan.

Bulshada reer Somaliland ee dibadaha ku nool waxan leeyahay waxa la idiinka fadhiyaa inaad qof qof dadaal u samaysaan oo qofkii hal reer la baxsan kara iyo qofkii laba reer la baxsan karaaba aad la baxsataan, inta badanna qof kasta oo dibadda jooga qof baadiyaha kaga hadhsan oo abaartaasi ay taabatay baa la helayaa, waana in lagu talogalaa haddii xooluhu dhammaadaan in dadkaas la badbaaadiyo,” ayuu yidhi Afhayeen Xasan Gaafaadhi.

Sidoo kale, waxa uu farriin u diray beesha caalamka inay gacan ka geysatay xaaladda abaareed ee deegaannada bariga ka taagan, “Bulshada caalamkana waxaan leeyahay kolay wuu gaadhay dhawaaqii hore’e waxaan u soo jeedinayaa inay si degdeg ah uga soo jawaabaan wixii ay tarayaan ummaddaas tabaalaysan. Waxaanan aad u hambalyeynayaa dhammaanba dadkii ilaa iminka wax ka geystay dhibaatada haysata dadkaas tabaalaysan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Afhayeenka xisbiga KULMIYE.

Halkan Ka Daawo Warka Afhayeenka xisbiga KULMIYE:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.