Xisbiga KULMIYE oo Bulshada la Wadaagay Boob iyo Dhac ay Dalka ka Gaysteen Siyaasiyiin ka Tirsan WADDANI

Hargeysa – (warsoor)- Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa jawaab cad ka bixiyey hadallo deelqaaf ah oo kasoo yeedhay xubno siyaasiyiin ah oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kuwaas oo eedaymo beer-la-xawaysi ah goobo fagaareyaal ah kaga qaaday xukuumadda KULMIYE.

Afhayeenka xisbiga KULMIYE Md. Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay magaalada Hargeysa, ayaa soo bandhigay boob iyo dhac hanti ummadeed ah oo ay dalka ka gaysteen xubnaha siyaasiyiinta ku biiray WADDANI waqtiyadii ay awoodaha ku lahaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee dalka soo maray oo xilal kasoo qabteen iyo boogo qarsoon oo uu leeyahay guud ahaan xisbigaasi, “Hadalladii ay magaalada Allay-baday ka yidhaahdeen rag siyaasiyiin ah oo dhawaan ku biiray xisbiga WADDANI oo uu ka mid ahaa Abiib Diiriye Nuur (Timacad) oo ka hadlay boob ay xukuumadda KULMIYE dabada ka riixayso iyo mid Berbera ka dhacay, waxase xog dhaba ah in haddii dhac jiro inuu Abiib qayb weyn ka yahay, Banka Wajaale oo Madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal arrin qaran loo daayo ayuu Abiib qayb goostay oo ay xukuumadda KULMIYE lacag kaga furfurtay, waxaana hubaal ah inuu Abiib yahay ninkii ugu horreeyey ee gurigii dawladda ee uu ku jiray iibiya, waxaana weheliya dhulka Berbera ee uu ku hadlayo inuu yahay qofka dhulka ugu ballaadhan ku leh, naftaada xisaabi inta aanad dadka kale xisaabin,” ayuu yidhi Md. Gaafaadhi.

Afhayeen Gaafaadhi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas ku daray, “Abiib waxa uu ka mid ahaa dadkii ugu horreeyey ee xilalka ka qabtay dawladihii kala dambeeyey ee Somaliland ka dhashay ilaa tan maanta ee KULMIYE, wax allaale wixii uu xukuumad walba kaga tagayna way qoran tahay oo waxa ay noqonaysaa in shacabka lala wadaago, haddii uu is difaacayana waxa uu furan inuu dadweyne ka dhegaysta doodiisa hor yimaaddo oo uu ka jawaabo su’aalaha laga weydiiyo iyo wixii uu ku suntanaa.”

Sidoo kale, Md. Xasan Gaafaadhi waxa uu bulshada xusuusiyey iimaha qarsoon ee uu leeyahay siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo hore xil wasiirnimo uga soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo badka soo dhigay boob laxaad leh oo uu waqtigaas u geystay hantida umadda, waxaannu yidhi, “Ismaaciil Aadan Cismaan-na muddo badan buu waddanka xilal ka soo qabtay, waxaannu ka tirsanyahay dadka ugu dhulka badan Hargeysa ilaa Wajaale, dhulkaasina waa mid uu ku helay isaga oo adeegsanaya maamulkii xukuumiga ahaa iyo xilkii xukuumiga ahaa ee uu hayey, waxaana hubaal ah inay maxkamadaha maalin walba cid iskula jiraan oo dhulalkaas la isku haysta, waxaana hubaal ah inay jiraan waxyaabo badan oo ku aaddan intii uu xilka hayey inay jiraan, isagana waxaannu ugu baaqaynaa inuu dadweynaha horyimaaddo oo uu ka jawaabo su’aalaha ku saabsan muddo-xilkeelkiisii iyo wixii taariikhdiisu ay ahayd.”

Afhayeenku waxa uu sharraxay sida Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE Md. Muuse Biixi uu xog-ogaalka ugu yahay xaaladda dalka iyo midda dadkaba iyo sida uu aqoonta durugsan ugu leeyahay siyaasiyiinta reer Somaliland ee xilalka ka soo qabtay iyo raadka taariikhda mid waliba ka tagay, isla markaana waxa uu tilmaamay in xubnaha u yaacay dhinaca xisbiga WADDANI aanay wax milgo ah ku dhex lahayn bulshada, “Muuse Biixi waxa uu hayaa faylal badan intii xukuumad Somaliland jirtayna qofkasta oo xil qabtay wuu u soo taagnaa, qof walibana waxa uu ku suntan yahay wuu hayaa, cidda maanta ugu badan ee xisbiga WADDANI gashayna waa cid aan Muuse agtiisa meel ku lahayn oo uu faylashooda hayo oo aan haysanin waji ay la hortimaaddo. Guddoomiyaha WADDANI haddii uu cid xisaabinayo waxay ahayd inuu kuwaas u soo galay kaga bilaabo oo ciddii mad-madow galo halkaas ay joogaan kula xisaabtamo oo aannu la sugin inta uu kursiga gaadhayo,” ayuu yidhi afhayeen Xasan Maxamed Gaafaadhi.

Dhinaca kalena, Afhayeenka KULMIYE waxa uu deedafeeyey eedaymo ka soo yeedhay dhiggiisa xisbiga WADDANI Md. Ibraahim Mahdi Buubaa, kaas oo majaro-habaabiyey hadal uu Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi su’aal ku geliyey maqnaanshihii Guddoomiyaha WADDANI ee madashii lagu daaf-furayey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka, waxaannu sheegay inaanay milgaha KULMIYE ahayn inay jawaabo ka bixiyaan hadallada deelqaafka ah, waxaannu yidhi, “Beryahan waxa uu xisbiga WADDANI waday eedaymo ka dhan ah xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ay ka mid yihiin afhayeenka xisbiga WADDANI oo si toos ah hadallo deelqaaf ah oo wax allaale iyo wax uu u daliishanayaa aanay jirin ku weeraray Guddoomiyaha KULMIYE, annaguse aflegaadooyinkaas waxaannu u qaadanaynaa kuwo ka yimi Guddoomiye Cirro, ugana jawaabi mayno oo kuma metelo guddoomiyahayga iyo xisbigayaga midna inaan aflegaaddooyin gudbiyo oo aan mushtamaca u gudbiyo.”

DAAWO: MUUQAALKA AFHAYEENKA:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.