Xisbig WADDANI Oo Eedayn Culus u Soo Jeediyey Xukuumadda, Beesha Caalamkana Baaq U Diray

Hargeysa – (warsoor) – Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa khatarihii uu hore ku sheegay in ay ka dhalan karaan saldhiga Milatari la xidhiidhiyey weerar lagu laayey dad qaxoonti reer Somaliland ah oo saarnaa doon isla mar ahaantaana ku maraayey xeebaha dalka Yeman, waxaana ay si aad ah Xukuumadda ugu dhaliileen in illaa hada aanay ka hadlin arrintaasi.

Xogahaya guud ee xisbiga WADDANI Md. Maxamed Uur-cadde oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa eedayntan uu xukuumadda u soo jeediyey sheegay inay ka dhalatay saldhiga ay xukuumaddu ka siisay dawladda Imaaraadka carabta magaaladda Berbera.

Xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay abaarta dalka ka jirtaa, waxaanu beesha caalamka ugu baaqay in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan bulshadda reer Somaliland oo ay xoolihii ay dhaqan jirteen intooda badan ka dhamaadeen, haddana ay u dhowdahay inay dadku u dhintaan abaarta daba dheeraatay.

Md. Uurcadde ayaa xukuumadda ku eedeeyey inay aanay wax qorshe ah ka lahayn abaartan khatartiisu sii badanayso, oo ay shaqadoodii ku soo koobeen inay Imaaraadka booqasho iyo dal xiis ugu baxayaan xili bulshaddu u baahan tahay in abaaraha looga gargaaro.

Halkan ka daawo shirka jaraa’id ee Maxamed Uur-cadde oo aanu ka soo xiganay Channel-ka Youtube ee Xisbiga WADDANI:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.