Xildhibaanada Wakiillada Somaliland Oo Loo Qaybiyay Waxka-Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah

Hargeysa – (WARSOOR) – Xildhibaanada golaha wakiillada Somaliland ayaa loo qaybiyay waxka-bedelka iyo kaabista xeerka shaqaalaha rayidka ah xeer lambar 31/2021.

Fadhi ay yeesheen golaha wakiillada Somaliland oo uu shirgudoominaayay gudoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faaraxa ayaa xildhibaanada xeerkaas shaqaalaha rayidka loogu qaybiyay, iyadoo xeerkaasii ka soo noqday golaha guurtida Somaliland.

Isla fadhigaas ayaa waxa shirgudoonka golaha wakiilladu uu guddi xildhibaano ah u saaray xeerka aaggaga cashuuraha ka caagan, guddidaas oo ahayd shan xubnood ayaa wax ay kaa ahaayeen

Xildhibaan Maxamed suseen

Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi

Xildhibaan Abokor Cabdiraxmaan Good

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

Ugu dambayn shirgudoonka golaha wakiiada ayaa guddidaas xildhibaanada ah oo kaashan doona guddi hoosaadka shuruucda ee golahaas u soo jeediyay inay xeerkaas soo gorfrryaan, dibna ugu soo celiyaan golaha.