Xildhibaanada Golaha shacabka XFS oo ansixiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021

Muqdisho – (WARSOOR) – Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan ay yeesheen waxay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee 2021.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, waxaana  ansixinta Miisaaniyadda Dowladda 2021 u codeysay 145-mudane mana jirin xildhibaan ka aamusay iyo wax diiday.

Mudanayaasha ayaa shalay akhrinta labaad marsiiyay miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka.