Xildhibaanad Ka Tirsan Baarlamaanka Ingiriiska oo Ku Baaqday In Gacan Laga Gaysto Abaarta Ka Jirta Somaliland

UK, London โ€“ (warsoor) – Xildhibaan Rushnara Ali MP oo kamid ah baarlamanka UK ayaa shir jiraa’id oo ay wadajir ugula qabatay Safiirka Somaliland ee UK Amb Cali Adan Cawaale xafiiska xisbiga shaqaalaha ee Bethnal Green, xaafadda Towerhamplets ku baaqday in macaawimo degdeg ah lala gaadho dadka ay saamaysay abaarta ku habsatay Somaliland.

Xildhibaanadda oo daliishanaysa qoraalllo kala duwan oo ka soo baxay Somaliland iyo ururro caalami ah ayaa sheegtay inay muhiim tahay in la caawiyo dadka abaarta ba’ani ku habsatey gobollada Sool, Togdheer, Sanaag, Saaxil iyo meelaha kale ee abaartu ka jirto Jamhuuriyada Somaliland.

Xildhibaan Rushnara Ali waxay ballan qaadday iney door weyn ka qaadan doonto xooggana saari doonto sidii ay u gaadhsiin lahayd baaq haya’daha kala duwan ee UK oo dhan, kana codsan doonto kaalmo degdega oo la gaadhsiiyo gobolladaa ay abaartu ku habsatay. waxay kale oo ay sheegtay in ay arrintan si gaara ugala hadli doonto wasiirka haya’dda mucaawimada caalmiga ah ee UK (DFID).

img_5338

Waxa shirka isna ka soo qayb galay, Mayor ku xigeenka degmeda Towerhamplets oo ballan qaaday inu ka hawl geli doono sidii degmeda Towerhamplets qayb libaax uga qaadan lahayd hawsha taakulaynta abaaraha ka jira Somaliland oo ay degaan dad aad u badan oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland.

Safiirka Somaliland ee UK Amb. Cali Adan Cawaale oo halkaa ka sheegay baaqii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u diray bulshada caalamka, ugu qaybiyey nuqullo baaqa ah ururradii shirka ka soo qayb galay ayaa ka codsaday deeq bixiyeyaasha iyo dadkii goobta ku sugnaa inay dhakhso ugu gurmedaan walaalahooda abaarta la dhibaataysan.

Waxa madasha ku sugnaa xubno reer Somaliland ah oo ka warramay dedaalka ay ugu jiraan gergaarka walaalahood iyo dad door ah oo ka soo jeeda qoomiyadda Bengali-ga oo muujiyey sida ay ugu diyaar yihiin ka qayb qaadashada sabata bixinta dadka abaaruhu ku habsadeen.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalkan UK Amb. Cali Adan Cawaale ayaa hadalka soo xidhay isagoo ku celceliyey gergaarka looga baahan yahay gobolladaa abaarta laxaadka lihi ku habsatay iyo xaaladda ay ku sugan yihiin una mahad celiyey madaxda iyo deeq bixiyaasha ka soo qayb galay shirka.

Allaa Mahad leh.

Somaliland UK Mission

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.