Xildhibaan Sheegay in Xeerka Shaqaalaha Rayidka Ah la Waafajiyo Diinta Islaamka

HARGEYSA – (WARSOOR) Xildhibaan Axmed Xaashi Cabdi Shiil, kana mida mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, ayaa sheegay in loo baahan yahay in  in xeerka shaqaalaha rayidka ah qodobkiisa 56-aad, farqadiisa 1-aad la waafajiyo shareecada Diinta Islaamka.

Qodobkaasi 56-aad, farqadiisa 1-aad ee xeerka shaqaalaha rayidka ah ayaa ka hadlaya cidda ay habboon tahay in loo raaco magta qofka shaqaalaha, haddii ay dhacdo in uu ku geeriyoodo goobtiisa shaqo isaga oo guddanaya waajibaadkiisa.