Xildhibaan ku Baaqay in loo Gurmado Dadka Jilicsan ee Abaarahu Asiibeen

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee Somaliland ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad abaareed iyo Biyo yaraan isaga oo bulshada ugu baaqay in ay u gurmadaan dadka jilicsan ee ku sugan dhulka baadiyaha ah.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay dawladda iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta gurmadka abaaraha in ay laban laabaan gurmadka loo samaynaayo bulshada baadiyaha ku sugan oo wakhigan ah kuwa ugu nugul.

Waxa kale oo uu ka hadlay Cudurka Covid 19, isaga oo ugu baaqay in dadku ku dhaqmaan fariimaha wasaaradda Caafimaadka isla markaana ay muujiyaan taxader dheeraada si looga badbaado cudurkan oo dalka ku faafaya.

Geesta kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, oo ka tirsan gudi hoosaadka Khayraadka ee golaha wakiilada ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan xeerka Macdanta, kaas oo uu sheegay in uu yahay xeer muhiimad weyn u leh dalka, isaga oo xusay in xeerkaasi si siman uga hadlaayo xirfadlayaasha Macdanta sida dadka shaqaalaha ah ee aan qalab wanaagsan haysanin iyo shirkadaha waaweyn ee macdan qodista.

Xildhibaan Cartan waxa uu sheegay in xeerkan ay tahay in dhakhso loo ansixiyo madaama oo ay u xayiranyihiin shirkado waaweyn oo dalka dhaqaale soo gelin lahaa iyo dad muwaadiniin ah oo shaqo abuur ka samayn lahaa.