Xildhibaan Barkhad Batuun oo Wareejiyey Lacagtii iyo Dhulkii Laga Dhisi Laha MCH uu Balan-qaaday

HARGEYSA – (WARSOOR) – Xildhibaan Barkhad Batuun oo fulinaya balanqaadkiisii ahaa in uu xaafada daami ka dhisayo xanaano (MCH) ayaa maanta wareejiyey dhamaan lacagtii iyo dhulkii lagu dhisi lagaa xanaanadaas.

Xildhibaanka oo warbaahinta kula hadlay goobta dhagax dhiga ayaa yidhi โ€œMaanta waxa aan dhagax dhignay Xannaanadi xaafadda daami, waxaanan ugu magacdarnay Maamo Xaliimo. Xannaanadu waa Xannaanada Maamo Xaliimo Brtish.”

Sidoo kale maayar ku xigeenka caasimada oo isaguna goob joog ka ahaa dhagax dhiga xanaanada ayaa yidhi โ€œWaxa taariikhda Somaliland gashay gobonimaddii Xildhibaan Barkhad iyo Xaliimo ka dawlad hoose ahaana diyaar ayaan u nahay in aanu qeybtayada ka qaadano.