Xidhiidhkii u Dhaxeeyay Somaliya iyo Imaaraadka oo sii xumaaday

Erimat-(warsoor)- Waxa sii xumanaya xidhidhkii u ย dhaxeayay dowladdahaย Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabata, waxa ayna arintaasi keentay in Safriikii Dowlada Imaaraatka u fadhiyay magaalada Muqdisho si deg deg ah looga yeedhay dalkiisa kuna laabtay.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa ka cadhootay go’aanka ay Dowlada Federaalka Soomaaliya uga soo horjeesatay in saldhiga Milatari ay ka dhigato garoonka Diyaaradaha magaalada Berbera, waxa ayna horey saldhigaasi ugala heshiisay jamuriyada Somaliland.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo oo dhawaan booqasho ku tagay Boqortooyada Sacuudiga ayaa la sheegay in madaxda dalkaasi kala hadlay sidii loo faragalin lahaa qorshaha Imaaraatka ku doonayo in saldhig base milatari uga dhisato Garoonka Diyaaradaha Berbera.

somaliya aya wax saameyn ah ku laheyn jamuriyada somaliland mid taban iyo mid togantoona waana takeentay in dalwada somaliya ay ugu dacwooto sucuudiga dowlada emaraadka carabta .

Xadhiidhka Dowlada Soomaaliya kala dhaxeeyay Imaarataka ayaa mudooyinkii dambe ahaa mid sii xumaanayay, Dowlada Imaaraatka oo taageero badan siisa Dowlada somaliaya .

Dowlada Imaaraatka ayaa heshiis kula gashay jumuriyada ย Somaliland in saldhig ciidan ka dhigato Garoonka Diyaardaha magaalada Berbera, waxaana heshiiskaasi Somaliland u noqonaya mid wax ka badala kaabayaasha dhaqaalaha somaliland .

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.