XEELADDA SHAXDA

Shaxdu waa ciyaar ka mid ah ciyaarraha ugu faca-weyn ee laga laga ciyaarro gayiga Somaliland, waana ciyaar hab farshaxannimo leh oo qaab-dhismeedka loo qaabeeyey tiro-siman oo ka kooban 24-God, oo u sameysan muuqaal u eeg saddex-wareeg oo isku dhex jira, oo leh Lix iyo Toban xariiqood oo lagu xardhay dhulka.

Goddadka shaxdu waxa ay u kala qaybsamaan laba qaybood oo la kala yidhaahdo, Gudban iyo Dhereran, haddana God kastaa waxa uu leeyahay magac u gaar ah oo lagu tiraabo, sida, Caggo-gaab, Qoor-labi, Hog-dooro, Lixlay, Goray, Irmaan, Irmaan oodan, Saddexlay-Gudban, Saddexlay-Dhereran, Jabsan Lab, Jabsan Dhadid iyo erayo kale oo loo isticmaalo marka lagu guddo jiro ciyaarta, sida, Laba-jare, Jare, Jare-bax, jare-qaad, Jare-dhac, Jare-celiye

Waxa kale oo aan xaqiiqsaday in ciyaarta Shaxdu tahay ciyaaraha ugu xiisaha badan oo ku qotomay habab kala duwan oo laga dheehan karo xikmad, xeelad iyo xirfad, isla markaana ay ka duwan tahay ciyaarta Jesta loo yaqaano.

Inkastoo ay jireen dad tiro badan oo xiise iyo xamaasad badan u qabay daawashada ciyaarta, haddana, dadkaasi waxa ay iskugu jireen kuwo daawanayey, isla markaana wax ka baranaayey habka xeeladdaysan iyo qaab-ciyaareedka ay u loolamayeen labada qof e iskaga soo hor-jeeday ciyaarta, kuwo kale oo kala taageersanaa Labada Qof ee wada-ciyaarayey iyo kuwo kale oo ahaa Garsoorayaal.

Inta badan waxa shaxda wada-ciyaarra laba qof oo iska hor-jeeda oo aqoon dheer u leh qaab ciyaarreedka shaxda, kuwaasoo lagu qiyaaso da’doodu in ay tahay labka da’da dhexe iyo Odayaasha rug caddaaga ah.

Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa waxa uu mid kastaaba u isticmaalaa deggitaanka Goddodka ciyaarta shaxda Laba iyo Toban (12) dhagax oo yaryar, oo isku midab ah, halka mid ka mid ah labadaa ciyaar-yahan uu noqdo ka ugu horeeya ee nasiibka u yeeshay hor-degsiimada, halka ciyaar-yahanka kale’na ee ka soo hor-jeedaana uu deggo Rukun uu ku jabiyo.

Inkastoo la yidhaahdo shaxdu waa ilduuf, dalabna waa nin u ayaan roon, haddana, waxa lagu tilmaamaa Degsiimadda Goddadka Shaxdu in ay tahay habka kaliyata ee ah farsamooyinka xeeladdaysan ee ay ku kala badiyaan ciyaar-yahannada shaxdu, waana sababta loo yidhaahdo, haddii Labada Ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeedaa midkood uu hello Saddex-Gudban iyo Irmaan ama Afarley-Goray ah waxa la yidhaahdaa wuu baiyey, haddii kalese wuu iska jara-jaraystaa.

Sidaa awgeed bay Labada ciyaar-yahan ee iska soo hor-jeeda marka ay deggeyaan Goddadka Shaxda ay iskugu faannaan tixaha, sida, kan baan deggay, kan baan door biday, kannina ii dooran, Afartaa hog-dooro iyo anaa helay Afar goray leh, ama Afartaa irmaan kama dhacdee jare ma uugaamay iyo Afarlay irmaan oodan ayey ku afariirtaa,

Marka aynu ka nimaado xirfaddaha iyo xeeladdaha ay leedahay shaxdu, waxa ay ku dhamaataa ciyaar-yahan badiya oo ay raacdo libtu, kaasoo loo yaqaan Faanle iyo mid Guul-darradu raacdo oo la yidhaahdo Faro-boodle.

Qoraa. Maxamed Faarax Qoti