Xayiraaddii saarnayd xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray Sucuudiga oo laga qaaday

Xayiraaddii saarnayd xoolaha Soomaaliya ee loo dhoofin jiray Sucuudiga oo laga qaaday

Xayiraddii saarnayd xoolahii loo dhoofin jiray dalka Sucuudiga ayaa la qaaday kaddib markii masโ€™uuliyiin ka socda dowladda Soomaaliya ay kulan arrintaasi looga arrinsanayo ay kala yeesheen Sucuudiga.

Wasiirka xannaanada xoolaha Soomaaliya Sheikh Nuur Maxamed Xasan wuxuu sheegay in hadda lagu guulaystay in xayiradda laga qaado xoolahii loo dhoofan jiray Sucuudiga

Dalka Sucuudiga ayaa sannadkii 2016-kii sheegay inaysan qaadanaynin xoolaha laga soo dhoofiyo Soomaaliya oo ay sheegen in xoolaha ay qabaan xumada Riftvalley.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in wasaaradda xannaanada xoolaha ay xaqiijisay in xoolaha aysan qabin cudurka.

Wasiirka ayaa hadalkani sheegay xilli uu la hadlayay telefishinka qaranka Soomaaliya.

Xigasho: BBC Somali

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.