Xasan Sheekh oo Ku Baaqay in Loo Midoobo Cadowga

MUQDISHO – (WARSOOR) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay weerarkii qaraxa ahaa ee ay Al-Shabaab xalay ku qaadeen maqaayadda Luul Yemene ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo ka mid xubnaha Midowga Musharraxiinta mucaaradka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen qaraxaasi oo ay sheegatay Al-Shabaab.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii xalay,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Mushharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ku baaqay in loo midoobo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gudaha dalka.

“Waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyn,” ayuu sii raaciyey.

Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhintay weerarkan oo is-miidaamin ahaa, waxaana ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwaas oo isugu jiro askar iyo shacab.