Xarun lagu dhaqanceliyo maleeshiyaadka Shabaab oo laga furay Kismaayo.

 

Muqdisho- ( warsoor )- Xarun loogu talagalay in lagu dhaqan celiyo maleeshiyaadka Shabaab ayaa laga hirgeliyay magaalada Kismaayo.

Hirgelinta xaruntan waxaa si wadajir ah isaga kaashaday hay`addaย Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG) oo ah hay`ad hoos tagta xafiiska siyaasadda Qaramada Midoobay ee UNSOM iyo safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya.

Xaruntan waxaa si rasmi ah xarigga uga jaray madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Mohamud Sayyid Adeniyadoo ay goob joog ka ahaayeen ย madaxa hay`addaย Rule of Law Security Institutions Group (ROLSIG), Staffan Tillander, iyo safiir ku xigeenka Jarmalka ee

Soomaaliya Markus Bollmohr.

Xaruntan cusub ayaa hooy u noqon doonta boqollaal maleeshiyaad ah oo lagu dhaqancelinayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.