Xaflad Xisbiga WADDANI uu Ku Soo Dhaweynaayo Bahweynta Siyaasiyiintii Isbahaysiga Dimuqraadi-doonka KULMIYE

Hargeysa – (warsoor) -Xaflad aad u ballaadhan oo Xisbiga WADDANI uu ku soo dhaweynaayo bahweynta siyaasiyiintii isbedel-doonka dimuqraadiyaddeed ee KULMIYE oo ku soo biiray Xisbiga WADDANI, ayaa hada ka socota hotel Maansoor ee Hargeysa.

img_0684

Siyaasiyiintan oo hormuud u yihiin wasiirkii hore ee wasaaradda Madaxtooyada, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, wasiirkii hore ee cadaaladda, wasiirkii hore hawlaha guud iyo guryeynta, wasiirkii hore ee waxbarashada, wasiirkii hore ee biyaha, wasirkii ku xigeenkii hore ee dib-u-dejinta, wasiir ku xigeenkii hore ee ganacsiga, wasiir ku xigeenkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta, agaasimeyaal, xildhibbaan Waabeeye oo ahaa guddoomiye u xigeenkii saddexaad ee KULMIYE, Xildhibbaan Cabdiraxmaan Talyanle oo isna ahaa guddoomiye ku xigeenkii hore ee Afraad ee KULMIYE , safiiro iyo siyaasi miisaan culus ka leh saaxadda siyaadda dalka iyo guud ahaan ba geeska Afrika.

img_0660

Xafladdan oo hada bilaabmantay, ayaa waxa sida oo kale goob joog ah guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxaan M.Cabdillaahi Cirro, hoggaanada, guddia fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka, xildhibbaano iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan, ku waasi oo diyaar u ah madasha na u fadhiya siddii ay u soo dhaweyn lahaayeen siyaasiyiin iyo mas’uuliyiinta miisaanka culus leh ee ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Inta xafladdani ay socoto, ayaa waxa lagu kala saxeexan doonaa heshiis rasmi ah oo ay labada dhinac ba isla gaadheen, waxaana ay illaa hada madashu u socotaa si habsami ah oo aad u degan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.