“Xabsigan Boorama iyo kuwa kale ee dalkaba Waxa Ku Soo Kordhay Maxaabiis Badan, Waayo Dunuubtii Ayaa Kordhaysa.” Wasiirka Madaxtooyada JSL.

Hargeysa – (warsoor) – Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti ka socda Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE oo maanta gaadhay magaalada Boorama ayaa sheegay ina Madaxweyne Siilaanyo uu cafiyey maxaabiis ku jirta jeelka dhexe ee Boorama.

Wasiirka oo ay Wehelinayeen Wasiiro kale iyo Gudoomiyaha KULMIYE oo kormeeray xabsiga boorama ayaa saxaafadda la hadlay kormeerka ka dib waxaanu yidhi  “ Socdaalka aannu gobolka Awdal ku nimid marka laga yimaado kormeerka cisbitaalka guud iyo xaalada shuban biyaadka, waxa ka mid ahaa in aannu u kuur-galno xaalada xabsiga dhaxe ee gobolka Awdal magaalo madaxdiisa Boorama in aanu eegno, oo war bixin laga soo gaadhsiiyey madaxweynaha qaranka, oo taliyaha ciidanka Asluubtu uu u keenay, oo ah in maxaabiistii ku badatay, guud ahaana jeelasha aynu haysnaa waa kuwo la dhisay xiligii Ingiriiska intii xukuumadda xisbiga Kulmiye tallada haysayna waxaannu dhisnay Jeelashii ugu badnaa, marka laga yimaado kuwaa ay dawladda Ingiiirsku dhistay. qaarna waanu balaadhinay.”

Wasiirka Madaxtooyada waxa uu iftiimiyey inay gacanta ku hayaan dhismaha xabsiga dhaxe ee Boorama waxaanu yidhi “ magaallada Booramana waxaanu gacanta ku haynaa xabsi cusub  oo weyn oo badali doona kan, waayo xabsiyada waxa loo sameeyaa in dadka dambiyada lagaga gooyo, lagu dhaqan celiyo, laguna xanaaneeyo, in lagu laayo oo ay ku dhintaan dawladuhu uguma tallo galaan.”

wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inay kordhayaan tirada maxaabiista dalku, si la mid ah sida ay u kordhayaan dambiyada la galaa waxaanu yidhi “ Xabsigan iyo kuwa kale ee dalkaba waxa ku soo kordhay maxaabiis badan, waayo dunuubtii ayaa kordhaysa, waana meesha loogu tallo-galay in dadka dambiyada lagaga reebo oo dhaqan celin loogu sameeyo, markaa xabsigan tiro badan ilaa 190 qof ah ayaa ku xidhan, shan ka mida waxa ku dhacay xanuunkii shuban biyoodka, cisbitaalka ayaa la geeyey, may dhiman Alle mahadii si fiican ayey u soo kabanayaan.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena shaaciyey in Madaxweynuhu uu cafiyey Maxaabiis ku jirta xabsiga Boorama waxaanu yidhi “ Madaxweynaha Qaranka markii warbixintaasi soo gaadhay wuxuu go’aansaday in xabsigan sidii xabsiga Burco oo kale uu sameeyey inuu cafiyo dhammaan wixii maxaabiis ah ee aan u xidhnayey xaq bini-aadam, madaxweynaha qaranku xaq uma laha oo ma cafiyi karro wixii xaq bini-adam u xidhan, haduu cid dilay, iyo haduu cid dhacay-ba, wixii dunuub fudud qaranka ka galay ayuu go’aansaday inuu cafiyo, beri ilaa saa’dambe ayaa la sii dayn doonaa, sidoo kale dhismihii Jeelka cusubina waa socdaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.