Weftigii WADDANI ee Nayroobi oo Abaaraha Somaliland Awgeed Ka Cudur Daartay Xaflad ay Jaaliyadda Somaliland ugu Samayn Lahayd Nayroobi

Nayroobi – (warsoor) – Weftigii Xisbiga WADDANI ee socdaalka ugu maqnaa dalka Kenya isla mar ahaantaana uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbigaasi Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa abaaraha ka taagan gudaha Somaliland awgeed ka cudur daartay xaflad ay u sameyn lahaayeen jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Nayroobi ee dalka Keyna.

Weftigan oo intii ay socdaalka ku joogeen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya aan marnaba ka nasan siddii ay shacabka Somaliland ee ay saameeyeen abaaraha iyo xayiraada dhoofka xoolahu ay codkooda u gaadhsiin lahaayeen beesha caalamka, ayaa ku soo guulaystay siddii ay safaaradaha dalalka badan oo caalamka ah ay uga dhaadhicin lahaayeen xaaladda adag ee ay  Somaliland ku sugan tahay iyo weli ba sida oo kale in ay shacabka Somaliland ay uga baahan yihiin gurmad iyo taakuleyn ba.

Hada ba jaaliyadda Somaliland oo ka duuleysay dedaalkaas iyo kulamaddaas qiimaha badnaa ee Xisbiga WADDANI la soo sameeyey beesha Caalamka, ayaa damcay siddii ay xaflad hambalyeyn iyo boggaadin ah ay ugu samayn lahaayeen Weftiga WADDANI sida oo kale na ay uga xaal waraysan lahaayeen xaaladda dalka, waxaana xusid mudan in weftiga WADDANI uu ka cudur daartay arrintaas isla mar ahaantaana uu jaaliyadda reer Somaliland oo isku dhan Mucaarad iyo Muxaafad ba ay lacagta ku baxaysa xafladdaas iyo qaadhaanka kale ee ay kaga qeyb-qaadanayaan ba u soo leexiyaan gurmadka abaaraha ee ka jira Somaliland.

Ugu dambeyntii, weftiga WADDANI oo ka duulaya siddii dadka abaarahu saameeyeen looggu gurman lahaa, ayaa ka dib markii kulamddaasi u soo dhammaadeen waxa ay hada na deg-dag ugu soo ambabaxeen gudaha Somaliland iyaga oo la filaayo in ay galabta soo gaadhaan magaalada Hargeysa, waxaana warar xog-oggaal ahi ay noo xaqiijiyeen in Xisbiga WADDANI uu maalmaha soo socda isaga oo aan nasan uu hada na xaalad gurmad oo abaareed uu si deg-dag ah u gaadhsiin doono dadka abaarahu saameeyeen oo ay socdaalo ugu kicitimi doonaan deegaanada bariga ee abaarahu ka jiraan iyo weli ba kuwa galbeedka ee ay ku sugan yihiin dadkii soo barakacay.

Geesta kale, waxa xus iyo xusid badba mudan in Xisbgii KULMIYE aanu dhaadanayn abaarta ka jirta Somaliland isla mar ahaantaana uu xaflado ku samaysanaayo magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, waxaana ay shacabku si aada isku weydiinayaan sababta keentay in Xisbiga KULMIYE uu indhaha ka qarsado shacabka la dhibbaateyn abaaraha ku habsaday iyo weli ba sida oo kale xayiraada ay dawladda Sucuudigu saartay dhoofka Xoolaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.