Weftigii uu Hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha WADDANI oo Galabta Si Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Burco iyo Deegaanada Hoos Yimaada

Burco – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayey Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo maanta socdaal ugu baxay gobalka Togdheer, ayaa galabta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Burco ee xarunta gobalkaasi.

Weftigan oo guddoomiye Cirro ay ku wehelinaayeen hoggaamiyaha Xisbigaasi Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, saraakiil ka tirsan hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada haweenka iyo dhallinyarta, ayaa intii ay socdaalka ku jireen waxa si weyn looggu qaabilay dhammaan ba tuulooyinka iyo degmooyinka u dhaxeeya Berbera illaa Burco iyada oo markii dambe na taageerayaal xoog badan oo isbedel doon ahi ay ku soo dhaweeyeen duleedka magaalada Burco iyaga oo lu laayey calanka liimiga ah ee astaanta u ah Xisbigaasi sida oo kale na ku dhawaaqayey hadalo ay ku muujinaayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga WADDANI.

Qaar ka mid ah saraakiishii iyo taageerayaashii halkaas ku soo dhaweeyey weftiga guddoomiyaha, ayaa ug horreyn sheegay in ay ku faraxsan yihiin in guddoomiye Cirro uu soo gaadho magaalada Burco iyaga oo carabka ku dhuftay in ay taageersan yihiin isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin isbedel kheyr qaba oo dalka ka dhaca.

Kaaliyaha Warbaahinta ee Murashaxa Madaxweynaha WADDANI siyaasi Muniir Axmed Cigaal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay in ay ka xisbi ahaan ku faraxsan kana mahad-celinayaan soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyye weftiga guddoomiyaha oo uu sheegay in loo soo dhaweeyey si aan abid hore loo arag.

“Waan ku faraxsan nahay sida ay reer Burco iyo deegaanada hoos yimaadaa ba u soo dhaweeyeen weftiga Xisbiga ee uu hoggaaminaayo Cirro, waxaana aan runtii cod dheer ku sheegayaa in Burco ay is muujisay oo maanta ay weftiga u soo dhaweeyeen si aan hore loo arag.”.Ayuu yidhi Siyaasi Muniir Axmed Cigaal

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa si weyn uga mahad-celiyey soo dhaweynta ballaadhan ee loo sameeyey weftiga, waxaana uu carabka ku dhuftay in weftigu uu maalmaha soo socda ku sugnaan doono gudaha magaalada Burco oo uu sheegay in ay si gaara isu xog wareysan doonaan dhammaan ba qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Waxa aan ku faraxsanahay sida aad noo soo dhaweyseen, waanan idiin ka mahad-celinaynaa, madaxda WADDANI na sidaa aad u jeceshihiin bay idiin jecel yihiin, maalmaha soo socda na waynu wada joogaa oo qeybaha kala duwan ee bulshada oodhan baanu si gaara isu xog-waraysan doonaa.”.Ayuu yidhi Hoggaamiye Xirsi

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo isna dhankiisa halkaas hadalo mahad-naq ah ka jeediyey, ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay sida ballaadhan ee ay maanta u soo dhaweeyeen dadweynaha isbedel doonka ah ee reer Burco isaga oo sheegay in la gaadhay wakhtigii uu iman lahaa isbedelku.

“Waad ku mahadsan tihiin soo dhaweyntiina, waana aanu ku faraxsanahay in aanu idiin nimaadno anaga oo ka qeyb-gali doona sida oo kale na idin kala qeyb-qaadan doona wacyi-gelinta diiwaan-gelinta.”.Ayuu yidhi Murashax Cirro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.