Wefti uu Hoggaaminaayo Guddoomiyaha WADDANI ee Qaaradda Yurub oo Maanta SI Ballaadhan Looggu Soo Dhaweeyey Dalka

Hargeysa – (warsoor) – Wefti ballaadhan oo uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee qaaradda Yurub Md.Axmed Maxamed Cali Naahi sida oo kale na ay ku wehelinayeen guddoomiyaha xisbigaas ee wadan weynaha UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde iyo weli ba xubno ka mid ah mas’uuliyiinta iyo taageerayaasha Laamaha dibadda ee Xisbiga WADDANI, ayaa maanta si ballaadhan looggu soo dhaweeyey magaalada Hargeysa.

a-1

Waxaana weftigan soo dhaweyn diiran saaka aroornimaddii hore madaarka Hargeysa ku qaabiley xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI, xubno ka mid ah hoggaanka , guddida fulinta, xildhibbaano garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaal kale oo aad u tira badan ku waasi oo lu laayey calanka liimiga ah ee Xisbiga WADDANI sida oo kale na ku dhawaaqayey erayo soo dhaweyn ah oo ay ku qaabilaayeen weftigaasi.

Guddoomiyaha gibalka Maroodi-jeex Md. Siciid Bustaale oo isagu halkaas ka jeediyey kelmaddii soo dhaweynta, ayaa sheegay in ay ka xisbiga ahaan si ay diiran dalka ugu soo dhaweynayaan Mas’uuliyiintan oo uu sheegay in ay yihiin rag qeyb laxaadle ka qaata sida oo kale na qeyb muhiim ah kaga jira dar-dar gelinta hawlaha xisbiga WADDANI.

“Si aad iyo aada ayaanu dalka ugu soo dhaweynaynaa weftigan uu hoggaaminaayo guddoomiyaha Qaaradda Yurub ee Xisbiga WADDANI, waa mas’uuliyiin xisbiga ku qaali ah oo runtii mudan in la soo dhaweeyo, waxaan xusid mudan in raggaasi ay sida oo kale yihiin rag qiimo badan oo si weyn uga qeyb-qaata dar-dar gelinta hawlaha Xisbiga WADDANI iyo isku xidhkiisa ba.” Md. Siciid Bustaale.

Guddoomiyaha dalka UK Mujaahid Xuseen Aadan Cadde oo isna halkaas ka hadlay, ayaa erayo mahad-naq ah ka dib, waxa uu carabka ku dhuftay in ka xisbi ahaan ay guud ahaan ba Qaaradda Yurub ka siffeeyeen Xisbiga KULMIYE oo uu ku tilmaamay xisbi aan mudneyn in mar kale dib loo doorto, isaga oo sida oo kale na ku duray in Xisbiga KUMIYE isaga oo kaligii ah aanu iman karin dalalka Qurbaha oo uu sheegay in laga ga xoog badan yahay taageero ahaan.

“Xaaladda waddankeenu ku sugan yahay gudo iyo dibad ba waa la og yahay, wadan idiin ma noola runtii hadaad run dooneysaan, dawlad idiin jirtaana ma jirto oo idinka uun baa dee isku taliya. Caalamka waad ka ooman tihiin haddii ay tahay Ictiraaf,hantidii niina waad og tihiin halka la la maraayo, waxa loo baahan yahay in shacabka reer Somaliland ay guntadaan dalkooda. Annagu ka Qurbe ahaan xisbiga KULMIYE waanu ka siffeynay dalka dibaddiisa, reer KULMIYE habeen kaliya ma iman karaan dalka dibaddiisa  iyaga oo kaligood ah, waxa ay ku soo gabbadaan uun Xukuumadda.”.Xuseen Aadan Cadde.

Xubno ka mid ah mas’uuliyiinta laamaha dibadda oo weftigaas ka mid ahaa isla mar ahaantaana iyagu na dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin sida diiran ee loo soo dhaweeyey, waxaana ay tilmaameen in ujeedka socdaalkoodu uu daaran yahay oo kaliya siddii loo sii dar-dar gelin lahaa hawlaha Xisbiga WADDANI ee dalka.

a-2

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Qaaradda Yurub Md.Axmed Cali Naahi oo isna ugu dambeyntii halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin ka bixiyey ujeedka socdaalkooda ay ku yimaadeen dalka gudahiisa.

“Xisbiga WADDANI, waxa uu ka kooban yahay 37 Laamood oo Qaaradda Yurub ah oo aanu ka mas’uul nahay, Xisbi kale oo Somaliland ah oo intaas oo kale ku lahi ma jiro, Laamaha ugu badan ee ay ku lee yihiin waa haddii ay noqoto Afar Laamood ama Saddex Laamood oo kaliya. Xisbiga WADDANI waxa uu qaaradda Yurub kaga kas baday waxaas oo Jamaahiir ah waa sinnaan iyo caddaalad. Qurb-jooga Somaliland oo dhammi waxa ay ku mideysan yihiin waa Xisbiga WADDANI ka dib markii ay kaalintoodii ka waayeen Xisbiga KULMIYE. Waxaana aanu maanta dalka u nimi siddii aanu Xisbiga WADDANI uga la qeyb qaadan lahaayeen guusha Isbedel dhaba oo dalka ka qabsooma.”. Ayuu yidhi Md.Axmed Maxamed Cali Naahi.

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Hargeysa/Somaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.