Wefti Ka Socday Xukuumaddda Somaliland Oo maanta kormeeray Dhismaha Dugsiga Boodhinka Cadaadley Oo Gabogabo ku Dhaw

Hargeysa – (warsoor) – Wefti Wasiiro ah oo ka tirsan Xukuumaddda Somaliland oo uu hoggaaminayey Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta kormer ku samaayey dhismaha dugsiga Boodhinka ah ee Cadaadley.

Dhismaha dugsigaasi oo gabogabo ku dhaw oo ay iska kaashanayaan Xukuumadda Somaliland iyo dadka deegaankaasi, ayaa waxa maanta booqasho ku tagay wefti baaladhan oo Xukuumadda ka socday.

Weftigaasi oo soo dhawayn balaadhan loogu samaayey Cadaadley, ayaa kormeeray qaybaha ka duwan ee dhismaha dugsiga Boodhinka, iyagoo markii dambena la hadlay Saxaafadda,  Wasiirka Madaxtooyadda Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Saaka waxaanu halkan u nimid in aanu kormeerno una kuur-galno sida uu u hanno qaaday ama uu u socdo dhismihii dugsiga Cadaadley, iskuulkani wuxuu ahaa iskuul caan ah, taariikhda bulshada Somaliland ku xardhan ragg waaweyn oo maanta qarankan ka taliyaa ay wax ku barteen.  Iskuulada boodhinka ahi nuxur iyo xikmad ayey xambaarsanaayeen, nolosheenii wax badan ayaa iska badalay oo dad badan ayaa magaalooyinkii soo galay, waxa aynu xooga saarnay Iskuuladii magaalooyinka ee maalinlaha ahaa ee ardaygu uu rawixi jiray , haseyeeshee iskuulada boodhinka ahi wax weyn ayey xambaarsan yihiin, Xukuumadda Axmed Siilaanyo hiigsigayaga dhinaca waxbarashadu waxa uu yahay in dib loo soo nooleeyo iskuuladii boodhinka ahaa iyo in xooga la saaro dugsiyada farsamada gacanta oo imika dalka ku yar.”

 

“Waxaan jecelahay inaan u mahad celiyo shirkadii dhistay dhismahan qiimaha leh, wada ee gacanta ku haysa maantana gabogabo ku dhaw waa shirkada Daryeel Gudoomiyihii Kayse Shugri ayaa maanta inala jooga, waxa kale oo aan jecelahay inaan halkan uga mahad celiyo bulshada reer Cadaadley iyo Sabowanaag oo ay inagala joogaan Ugaaska iyo Suldaanka oo hawshan inagala qayb qaatay.

“Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay hal abuurka Xukuumadda ee dhinaca horumarka dalka waxaanu yidhi “ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ay abuurtay jawi iyo himilo ah bulshadu inay wax qabsan karto, inay isku tashan karto, bulsho kasta oo wax la timaada siyaasada Xukuumaddu waxa weeye inay wax ku biiriso, wax ku tarto, inay garab istaagto, laba ujeedo ayey salka ku haysaa dhaqaalaheena iyo itaalkeena oo yar inaynu wax isugu tagi karno, wax badan dawladdu kaligeed ayey qabataa laakiin waxa jira mashaariic ay bulshada la kaashato iyo mashaariic ay beesha caalamka iyo dalalka aynu saaxiibka la nahay ay la kaashato, mar labaad waxaanu uga jeednay in lexjeclada bulshadu ay saameyn ku yeelato, marka hantideedu uu deegaanka wax ka galo in la dhawro oo la ilaashado, siyaasadaas ayaanu ka lahayn.”

 

Mashruucan dhismaha dugsiga boodhinka Cadaadley waxa uu ahaa mashruuc weyn, ILAHAY ayaanu ugu mahad naqaynaa nagu guuleeyey xukuumad ahaan in dugsigan aanu nasiib u helo in aanu dhisno, waxa ay ka mid ahayd balan qaadkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu odayaasha deegaanka markii ay ula yimaadeen uu u balan qaaday, wax kasta oo Madaxweynaha iyo Xukuumadda Madaxweyne Silaanyo aanu balan qaadno ama dhagax dhignana bulshada Somaliland waxaanu u sheegaynaa in aanay baaqan,  dhagaxyo been ah meel ma dhigno dhagaxyo run ah ayaanu dhignaa, gabogabadana waxaanu odhan doonaa

waar yaanu dhagax meel u dhignay? Tartana waa jiraa, Madaxweyne Siilaanyo murashax maaha, laakiin xisbigiisu waxbuu doonayaa laakiin waa nala qabsanayaa hadaanu dhagax beena meel u dhigno.”

Wasiirka ayaa sidoo kalena intaasi ku daray “ Iskuulkan waxaanu balan qaadaynaa inuu shaqeeyo oo aan xoolo galin tacabkeenii oo aanu noqon meel afka ka oodan inaytaynu lacag galinay, sanad dugsiyeedkan 2017-ka  bisha September waxa uu noqon doonaa Iskuul shaqeeya, xili ka horeeya ayeynu furi doonaa, agabkiisa, qalabkiisa iyo macalimiintiisana waanu balan qaadaynaa Xukuumad ahaan, ILAHAY-na ha nala garab galo. Waa ka mahad naqaynaa deegaanka Cadaadley iyo Sabo-wanaag, waxaanu qiraynaa inay deegaanada Xukuumadda kala shaqeeya horumarka, nabadgalyada iyo himilooyinka toosan inay yihiin, waxaanu leenahay  sidii aynu isu garabsan jirnay maantana aynu ugu wada shaqayno qaranimadeena difaaceeda, nabadgalyada, maamul wanaaga, iyo midaynta umadda, waxa jira  dad badan oo ku foogan in nabad-galyadeena la dhaawaco. Waxa jira dad ku foogan in midnimadeena la dhaawaco, waxa jira dad ku foogan qaranimadeenu inay xumaato, waxa aynu leenahay cadow badan.”

Maxamuud Xaashi ayaa geesta kalena dardaaran u jeediyey Ummadda Somaliland oo uu ugu baaqay inay gacmaha is qabsadaan qaranimada iyo difaacda dalka meel uga soo wada jeedsadaan “ Maanta shacbiga Somaliland ummadda Somaliland  xero ay ku kala jiraan iyo xisbi ay kala yihiinba waxa la gudboon inaynu goradda is galino, tunka cadowga u buurno,  qaranimadeena difaacano, nabadgalyadeena adkayno, horumarkana dawladda ku taageerno, si nadiif ahna aynu u tartano, qabyaalada iska ilaalino, ummaddan aan lays nacsiin. Xisbiyaduna ay umadda ku kala kaxaystaan arragti siyaadeed, nin waliba uu xero ootto oo wixii u gala uu arko, kii helana aynu u hanayno oo siyaadad mudakar ah, oo qaangaadh ah aynu ku shaqaysano, oo aynu tartano, laakiin aqalkana gudihiisa ilaasho, kii helana aynu muftaaxa ku wareejino, loo dhiibo oo lagula shaqeeeyo, sidaas ayeynu ummad ku noqon karnaa oo meel ku gaadhi karnaa oo aynu noqon karnaa qaran jira dhaqeelaheenu ku kori karaa, hadiise aynu is hiifno midba mid dabo galo xisbi iyo xasarad iyo aynu iskala dhamaan wayno meel gaadhi mayno.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.