Wefti Ka Socda Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Oo Soo Gaadhay Somaliland Iyo Ujeeddada Safarkooda

Hargeysa-03-11-2019-()-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda dawlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Mudane Cumar Faaruuq Warfaa, kuna wehelinayeen Wasiir ku xigeenka Maaliyadda, masuuliyiin ka socda laamaha amaanka iyo saraakiil kale.

Weftigan oo ujeedka safarkoodu ahaa inay qaranka Somaliland soo gaadhsiiyaan tacsida taliyihii ciidamada Booliska Somaliland, sarreeye Gaas Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka timid madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Mudane Mustafe Muxumed Cumar (Mustafe Cagjar).

Kulankan oo ay maaxweyne ku xigeenka ku wehelinayeen wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Afhayeenka madaxweynaha Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, Guddoomiyaha gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex Khadar Baabuur Cumar.

HALKAN KA DAAWO WARKAN:

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.